Muj Cali Gurey oo Ammaantii ugu Cuslayd Huwiyey Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleban Xaglatoosiye
Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID, Muj: Cali Yuusuf Maxamed (Cali Guray) ayaa ammaan ballaadhan dusha ka saaray Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye)
"SAFARKII WASIIRKA CAAFIMAADKA
Wasiirka Caafimaadka waxan qirayaa isaga oo halkii laga dhiiri gelin lahaa dagaalku kaga socdo xukuumadda uu ka tirsan yahay dhexdeeda inta ay isku haybta yihiin ee sida gaarka ah ugu cindan Madaxtooyada oo dhamina ay geeska geliyeen uu hadana sutuda u wada qabtay isaga oo cid ka hiilisa mooye inta u hiilisaa ay faro ku tiris yihiin oonay weliba hoos mooyee kor u hadli karin haday ay kor u hadlaana weerarka kooxda Baashe iyo Dhakool saaran yahay.
Waxa si qaawan oo fool xun markiiba u weerary Gudoomiye xigeen Wakiilada iyo Xildhibaan Dhakool oon waxba ula hadhin hadana shakhsiyadiisa mooyee aan shaqadiisa iyo ragonimadiisa iyo kartidiisa iyo xataa aragtidiisa midna aan durin waxna ka sheegin.Hadaba waxa wax lala yaabo ahayd Xildhibaan Dhakool isaga oo ah Wahaabi dhoor leh oo hamigiisa ugu wayn iyo inta cilmigiisu gaadhaaba ay aduunyo ku kooban tahay oo madaxnimo iyo lacag uun u waashay uu u hadlo sidii qof isagu Ilaahay ka xiga ama uga dhaw Wasiirka waase cilmi gaab kitaab yare ah iyo kaskii. Ilaahay looguma kala dhawa sida loo kala beenaalaysan yahay ee loo kala khaayinsan yahay. Adoonka iyo Allihiisana xidhiidhka ka dhexeeyaa waa xidhiidh toos ah oon ahayn sida ka dhexeeya adoomihiisa dhexdooda oo looma kala sheekeeyo, adoon kastana shar iyo khayr wixii uu kasbaday maalinteeda waa la kulan siin.
Waxad arkaysaa dad iyagu wanaaga oo dhan isa siiya xumo oo dhanna qayr kood uga taga. Inta maanta Somaliland ugu beenta badan ee ugu khiyaamada iyo kharbudaada badan ee ugu boobka iyo xatooyada badan ee weliba madaxda ah mid keliya oo qaadka cuna ama sigaarka cabaa ma jiro waanay ku caayaan qayr kood.Aniga xagayga waxa ka fiican oo ilaahay uga dhaw kuwa inta ay igu xalaashadeen ee xumaan iyo xaaraan ah ka reeban ee hadii ay doonaan jaadka iyo sigaarka oon ilaahay midna xaaraan ka dhigin ee iyagu ka dhigeen caadaysta haday iskaba daayaana ay khushi gooda tahay. Waxa ka xun kuwa iyaga oon maal agoomeed bixinayn oo beenta iyo khiyaamada iyo wacad la’aanta xalaashaday haday madax yihiina dulmiga iyo cadaalad daradu ay diin u tahay ee hadana iyagu cid ku caaya khamriguu cabaa jaad kuu cunaa sigaar kuu cabaa "waa maroodigu takarta isaga saaran ma arko eh tan ka kale saaran buu arkaa”. Qofka aniga aan been ii sheegayn beena iga sheegayn
wuxuuna ku sifeeyay Wasiir hawl kar ah, geesi dhiiran oo go’aan qaadashona leh sidoo kale ka soo baxay Xilkii Wasaaradda Caafimaadka ee loo dhiibay iyo kii siyaasiga ahaa ee Gobolada Bari. Sidaasna wuxuu Muj Cali Guray ku Sheegay qoraal uu ku baahiyay bogga uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka bulshada ee Facebook, Qoraalkaas oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan.
Muj Cali Gurey oo Ammaantii ugu Cuslayd Huwiyey Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleban Xaglatoosiye
Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID, Muj: Cali Yuusuf Maxamed (Cali Guray) ayaa ammaan ballaadhan dusha ka saaray Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye)