Wasiirka Madaxtooyada JSL oo Dalka Dib ugu soo laabtay kana warbixiyey heshiis Dalalka Somaliland iyo Itobiya ka gaadheen Bilowga Dhismaha Jidka Berbera Iyo Addis-ababa

0
Sunday August 23, 2015 - 08:33:05 in by salman abdi
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada JSL oo Dalka Dib ugu soo laabtay kana warbixiyey heshiis Dalalka Somaliland iyo Itobiya ka gaadheen Bilowga Dhismaha Jidka Berbera Iyo Addis-ababa

    Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo safar ugu maqnaa Dalka Ethiopia ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay si balaadhana loogu soo dhaweeyey Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargeysa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo safar ugu maqnaa Dalka Ethiopia ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay si balaadhana loogu soo dhaweeyey Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargeysa,

 waxaana Wasiirka Halkaasi kusoo dhaweeyey masuuliyiin, isugu jiray qeybaha kala duwan ee dawlada.

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee loo yaqaan VIP ayaa ka warbixiyey safarkii isaga iyo Wasiirka arrimaha dibaddu ugu maqnaayeen waddanka Ethiopia iyo shirarkii ay la sheeyeen Dawladda Dalkaasi, waxaana uu xusay inay is arkeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Itoobiya islamarkaana ay ka wada hadleen sidii loo bilaabi lahaa Dhismaha Waddada isku Xidhi doonta Berbera iyo Addis Ababa oo qayb ka ah mashruuca(Berbera Corridor).

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in isaga iyo Wasiirka arrimaha dibadda iyo Wakiilka Somaliland ee Addis-ababa ay kulan la yeesheen wasiirro ka mid ah dawladda Itoobiya. Waxaanu xusay inay muhiimad weyn waddadaasi u leedahay xidhiidhka ganacsiga iyo isu socodka labada waddan ee Somaliland iyo Ethopia, waxaana uu hoosta ka xariiqay in wadadaasi dhawaan la bilaabi doono sidaasna ay isku soo afgarteen masuuliyiintii ay shirarka la yeesheen.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa ka jawaabay su’aalo ay saxaafaddu waydiisay kuwaasoo la xidhiidhaayey eedo ay qaar ka mida xildhibaannada baarlamaanku u soo jeediyeen xukuumadda kuna dhaliileen inay dhaxal wareejinayso Dekedda, sidoo kalena ku mashquushay Dayactirka Waddooyinka.

DSC_0029 (1)

Wasiir Xirsi ayaa dhaliilahaasi ganafka ku dhuftay wuxuuna xusay inay xukuumadda Madaxweyne siilaanyo aanay ku koobnayn Dayactirka waddooyinka, balse ay tahay Xukuumadii ugu horaysay yagleesha waddooyin cusub oo tiro badan, sidoo kale wuxuu xusay in Dekada Berbera wakhtigii hore lacagta lagaga soo qaadi jiray shandad lana keeni jiray Madaxtooyada, balse haatan ay ku dhacdo Qasnadda dawladda ee Wasaaradda Maaliyaddu Maamusho, isla markaana aanu jirin wax musuq maasuqi.