Madaxweyne kuxigenka Somaliland iyo Masuliyiin isugu jiray wasiiro iyo agaasimayaal ka qaybgalay Qalinjebinta Arday ka Qalinjebisay Jamacadda Newgeneration oo lagu qabtaya Xarunta Midowga Afrika ee Addis ababa

0
Sunday August 23, 2015 - 09:08:44 in by salman abdi
  • Visits: 876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne kuxigenka Somaliland iyo Masuliyiin isugu jiray wasiiro iyo agaasimayaal ka qaybgalay Qalinjebinta Arday ka Qalinjebisay Jamacadda Newgeneration oo lagu qabtaya Xarunta Midowga Afrika ee Addis ababa

    Arday reer Somaliland ah oo Wax ku bartay Jaamacadda New Generation laanteeda Hargeysa, ayaa maanta xafladda Qallin-jabintooda lagu qabtey Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis-ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arday reer Somaliland ah oo Wax ku bartay Jaamacadda New Generation laanteeda Hargeysa, ayaa maanta xafladda Qallin-jabintooda lagu qabtey Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis-ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.


11891064_149790892025750_6986310323124723230_n

11902374_1017065984992558_7070697349918548931_n11904689_1017065704992586_5340075943199621211_n (1)11904689_1017065704992586_5340075943199621211_n11904714_1017065824992574_4327667572999455218_n11934939_1017065884992568_8045735604223361198_n11873754_1017065888325901_8230297479643411667_n

Munaasibadda qalinjabinta ayay ka qayb galeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland iyo Ethiopia, Safiirro, Agaasimayaal, Maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda New Generation. Waxaana ardayda qallin-jabisay barteen culuumta siyaasadda, ganacsiga, Caafimaadka iyo Koombuutarka, sida uu halkaasi ka sheegay Maamulaha Jaamacaddaasi.

11938016_1879754718916612_1111790784_n11909900_1879754825583268_1072818732_n

Ardayda Qallin-jabisay

11950780_1879754892249928_536025686_n

Guddoomiyaha Jaamacadda New Generation, Mustafe Alkhaliili ayaa xafladda ka sheegay in ardayda Qallin-jabisay yihiin dufcaddii 3-aad ee wax ku barta jaamacadda qaybteeda Hargeysa isla-markaana barteen Culuumta la xidhiidha Siyaasadda, Caafimaadka, Ganacsiga iyo Computerka "Marka hore waxaan u mahadnaqayaa Masuuliyiinta uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee nagala soo qayb galay Munaasibaddan qalinjabinta dufcaddii saddexaad ee ka qalinjabisay jaamacadda New Generation, kuwaasi oo bartay Culuumta Siyaasada, Caafimaadka, Ganacsiga iyo Computer-ka, waxaanan ugu talo galnay inay dhiirigalin u noqoto ardayda wax ka barata jaamacadda New Generation, Waxaanan ku amaanayaa masuuliyiinta nagala soo qayb galay siday u dhiirigalinaya waxbarashada iyagoo safarkaasi dheer u soo maray inay ardaydooda kala qayb qaataan Munaasibadan qalinjabinta” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Jaamacaddaasi.

Maamulka Guud ee Jaamacadda New Generation ee qaybteeda dalka Itoobiya oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay Somaliland iyo Jaamacadda ardaydaasi ay soo saareen iyagoo u ballanqaaday inay qaybaha kale ee Master-ta ay gaadhsiin doonaan Hargeysa, waxaanay hambalyo u direen dhamaanba ardaydaasi qalinjabisay.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hor intii aanu soo dhoofin Addis-ababa hadal ka jeediyay xafladda Qallin-jabinta ayaa yidhi "Waxaan amaanayaa Jaamacadda New Generation kaalinta ay kaga jirto dardargalinta waxbarashada Somaliland iyo isku xidhka labada dawladood ee Ethiopia iyo Somaliland, waxaanan hambalyaynayaa ardayda qalinjabisay”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa isaguna yidhi "Waa wax wayn Ardayda Somaliland ee ku qalinjabinaysa jaamacadda New Generation, waxay muujinaysaa walaalnimada ka dhaxaysa Somaliland iyo Ethiopia, waxaanay hormood ka noqon doontaa arintani inay Somaliland ictiraaf ka hesho beesha caalamka”

Ardayda Qallin-jabisay

Gabogabadii waxa halkasi ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu yidhi "Waxaan hambalyo u dirayaa ardaydani qalinjabisay ee ku sugan xarunta Midawga Afrika, waxaa rajaynayaa inay jaamacadda New Generation ay hormood ka noqon doonto xidhiidhka Midawga Afrika iyo Somaliland, waxaanan ku amaanayaa jaamacadda New Generation inay noqotay Jaamacadda Kaliya ee ardaydeed ku qalinjabiyeen Xarunta Midawga Afrika”.