"Waa inaynu kalluumaysato ahaan ka muuqano kobcinta dhaqaalaha dalka"W.Ku xigeenka Kaluumaysiga.

0
Sunday August 23, 2015 - 09:24:02 in by salman abdi
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa inaynu kalluumaysato ahaan ka muuqano kobcinta dhaqaalaha dalka"W.Ku xigeenka Kaluumaysiga.

    Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland ayaa sannadkii afar kulan u qabata, kalluumaysatada, daneeyayaasha horumarinta khayraadka badda iyo hay'addaha la shaqeeya wasaaradda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland ayaa sannadkii afar kulan u qabata, kalluumaysatada, daneeyayaasha horumarinta khayraadka badda iyo hay'addaha la shaqeeya wasaaradda, kulamadaas oo lagu gorfeeyo habsami u socodka hawlaha kalluumaysi ee dalka iyo is-xogweraysi dhinacyada hawshani khusayso.

Kulankii shanaad ee kulamadaas ayaa doraad ay isugu yimaadeen masuuliyiinta ugu sareysa wasaaradda kalluumaysiga, ganacsatada kalluunka, shirkadaha kalluumaysatada ah, jaamacadda culuumta badda ee Berbera iyo hay’addaha Oxfam iyo FOA. Sidoo kale waxa kulankaas ka qaybgalay maamulka gobolka Saaxil iyo masuuliyiinta degmada magaalada Berbera, kaasoo ka qabsoomay hotel Maansoor ee magaalada Berbera, waxaana kulankaas la isku waydaarsaday macluumaadkii saddexdii bilood ee u dambeeyay qabsoomay, waxyaabihii laga bartay kulamadii hore iyo isku xidhka ururada iyo kalluumaysatada kala duwan si loo helo waxqabad isku mid ah.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo weheliyaan agaasimaha guud ee wasaaraddaas Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey) iyo masuuliyiinta waaxyaha ee wasaaraddaas ayaa xog-waran iyo macluumaad ka dhegaystay dhinacyadii ka qaybgalay shirkaas.

Ugu horeyn wasiir ku-xigeenka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo furitaankii kulankaas ka hadlay ujeedada shirkaas, waxaanu yidhi. "Siyaasadda kalluumaysiga ee ay leedahay xukuumadda uu hogaaminayo Axmed Maxamed Siilaanyo ujeedadeedu waxa weeye inaynu ka midho-dhalino oo aynu gaadhsiino halka aynu ku hamiyayno. Sidaa darteed muuqatay in halka ugu haboon ee hooyada u ah wasaaradda kalluumaysigu inay tahay Berbera, waana halka uu joogo kalluunlaha saxda ahi. Waxaynu u baahanahay inay kor u qaadno tayada iyo tirada khayraadka badda ee aynu soo saarayno oo aanay shirarkeenu noqon qaar aynu isugu nimaadno oo aynu haddana kala tagno, waa inuu ka duwanaado shirkeenani kii ka horeeyay, wixii uu kaga duwanaana aynu aragno. Waxa kale oo ujeedada shirkani ay tahay inaynu koritaanka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka kaalinta aynu kaga jirno aynu ka muuqano oo aynu noqono wasaarad wax soo saar.”

Wasiir ku-xigeenku waxa kale oo uu mahad-naq ujeediyay masuuliyiinta xukuumadda oo uu sheegay inay wasaarad wada-shaqayn fiican la leeyihiin, gaar ahaan wasiirka maaliyada Samsam Cabdi Aaden, wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, wasiirka qorsheynta Dr. Sacad Cali Shire, iyo wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),

Waxa kale oo ka hadlay shirkaas agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey), waxaanu sheegay in looga baahan yahay shirku uu noqdo mid midho-dhal ah.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, isagoo ku bogaadiyay wasaaraddu inay shirkaas ku qabato xarunta gobolka Saaxil oo uu tilmaamay inay tahay halka ugu haboon hawsha kalluumaysi ka socoto.

Maayarka maagalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), waxaanu sheegay isla markaana uu ugu baaqay dhinacyadii shirkaas ka qayb galay in lagu booriyo bulshadu inay bartaan khayraadka ku duugan baddeena.