Xisbiga WADANI oo ka hadlay Tabashada Dhinaca xeerka golaha wakiilada ee Gobolka AWDAL

0
Sunday August 23, 2015 - 10:08:18 in by salman abdi
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga WADANI oo ka hadlay Tabashada Dhinaca xeerka golaha wakiilada ee Gobolka AWDAL

    War qoraal ah oo xisbiga Waddani soo saaray ayaa lagu sheegay in balanqaadka xisbigaasi bulshada u bandhigayo ay ka mid tahay in ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War qoraal ah oo xisbiga Waddani soo saaray ayaa lagu sheegay in balanqaadka xisbigaasi bulshada u bandhigayo ay ka mid tahay in ..

dastuurka la furi doono si saami qaybsiga bulshada Somaliland loo sugo.
Warka qoraalka ah ee WADDANI waxaa lagu sheegay in xisbigu taageersan yahay xal u helista tabashooyinka gobolada galbeedka iyo kuwa bariga eek u salaysan kuraasta Baarlamaanka. Waxa uu Xisbiga Waddani sidoo kale xukumadda ugu baaqay inay bulshada manaafacaadka dalka ugu qaybiso hab caddaalad ah.

wqqqqWarsaxaafadeedka Waddani oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha guud Cabdillaahi Uurcadde, ayaa xukumadda loogu jeediyay eedo ah in xukumaddu gabtay ballamihii ay bulshada codka kaga heshay ee ahaa saami qaybsi waafi ah.
Waxa uu xisbiga Waddani ku dooday inay ahayd in xukumaddu hore u qabato hawlaha xeerka doorashada Wakiillada ee hadda gacanta lagu hayo, kaasi oo mudaneyaasha galbeedka Somaliland ku tilmaameen mid aan xaqooda siinayn.