Mashruuci Biyo Balaadhinta Caasimadda Hargaysa Oo Si Rasmiya U Bilaabmay+Sawiro

0
Sunday August 23, 2015 - 21:13:32 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashruuci Biyo Balaadhinta Caasimadda Hargaysa Oo Si Rasmiya U Bilaabmay+Sawiro

    Xidhistii Beebka iyo dhigistii dhuumaha biyo ballaadhinta Magaalada Hargaysa ayaa maanta si rasmiya loo bilaabay, kuwaas oo loogu tallo galay inay dhuumahaas waa weyni ay soo qaadan Biyaha loogu tallo galay inay ka cabaan guud ahaan shacabka Caasimad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidhistii Beebka iyo dhigistii dhuumaha biyo ballaadhinta Magaalada Hargaysa ayaa maanta si rasmiya loo bilaabay, kuwaas oo loogu tallo galay inay dhuumahaas waa weyni ay soo qaadan Biyaha loogu tallo galay inay ka cabaan guud ahaan shacabka Caasimadda oo in kabadan kala badh uu haraad dishooday.

11951934_10153081551502469_5345036596951968033_n (1)11896136_10153081565447469_3760548146283211918_n

Bilowga shaqadan oo ay booqdeen Wariyaal ka socday Somalilandtoday Media Group, waxa la dhameeyay badi qodista godadkii dhulka hoostooda, iyada oo laga soo bilaabey Kaamka Biyo Shiinaha loona soo socdo xaga Magaalada Hargeysa, mashruucan oo aad u balaadhan waxaa iska kaashanaaya Dawladda Somaliland, Midowga Yurub (EU) iyo Sanduuqa Horumarinta Somalilnand(SDF).

11951934_10153081551502469_5345036596951968033_n (1)11951934_10153081551502469_5345036596951968033_n11923256_10153081560242469_6163434571507638622_n

Geesta kale shacabka rer Hargaysa oo dhagahoodu waxay maqlaan ay ugu jecelyihiin "Biyihii Gurigaaga Way Soo Gaadheen”, wuxuu warkani u yahay riyo ay muddo dheer nawilayeen in kasta oo intooda badan rumaysashadoodu ku xidhnaan doonto markay labada gacmood biyaha ku cabaan. Dhinaca kale Madaxweyne Axmed Silaanyo iyo Xukuumaddiisa oo ku faana inay waxqabad badan dalka ka hirgaliyeen waxay biyo ballaadhinta Caasimaddu u noqon doonta tallaabo taariikhda u gasha.

Contact@afkashacabka.com