Guddomiye Cirro oo Markii u horeysay ka hadlay Murankii Xeerka Doorashooyinka Golaha Wakiilada ee ay saluugeen Mudanayaasha Gobolka Awdal ee laga heshiiyey

0
Tuesday August 25, 2015 - 15:05:33 in by
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiye Cirro oo Markii u horeysay ka hadlay Murankii Xeerka Doorashooyinka Golaha Wakiilada ee ay saluugeen Mudanayaasha Gobolka Awdal ee laga heshiiyey

    Guddoomiyaha golaha wakiillada iyo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro oo dalka ku soo laabtay kadib socdaal maalmo qaatay oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha golaha wakiillada iyo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro oo dalka ku soo laabtay kadib socdaal maalmo qaatay oo

 uu dalalka Ethiopia iyo Kenya ugu maqnaa ayaa xukumadda ugu baaqay inaanay siyaasadayn xeerka doorashada golaha wakiillada.

Guddoomiye Cirro, intii uu socdaalka ku maqnaa ayaa guddoomiye xigeenkiisa koowaad Baashe Managed Faarax iyo kuxigeenkiisa labaad Dr Cali Aw Yuusuf Axmed, waxay wada hadal la yeesheen xildhibaannada golaha wakiillada ee gobolada Awdal iyo Salal iyagoo kula heshiiyay in ajandaha golaha laga saaro xeerka doorashada wakiillada, iyadoo sidaasina shalay lagu afjaray khilaafkii mudaneyaasha galbeed kaga maqnaayeen golaha.

Guddoomiye Cirro ayaa xukumadda u soo jeediyay inay kala dayso ka saarista ajandaha ee xeerka wakiillada lagu dooranayo iyo inay golaha ku eedaysay in xeerka lala habsaamay "Waxaa ka war qabteen in xukumaddu anigoo guddoomiyaha ah igu eedaysay oo shir guddoonka ku eedaysay oo golaha ay ku eedaysay in xeerkii lagu dooranayay golaha wakiillada lala daahay(guddoomiyuhu la daahay),” ayuu yidhi Cirro oo intaasi raaciyay "Xukumaddu laba isku heli mayso, inay tidhaa xeerkii baa lala daahay iyo inay tidhaa waanu ku faraxsanahay in ajandaha laga saaro xeerka.”
Guddoomiye Cirro, oo sii hadlaya ayaa sheegay in arrintani muujinayso siyaasadayn xeerkan ah "Arrintaasi waxay muujinaysaa in xeerka la siyaasadaynayo, waxaanu xukumadda uga digaynaa una soo jeedinaynaa inaan xeerka la siyaasadayn,” ayuu yidhi Mudane Cirro.

Guddoomiyaha ayaa sheegaya inuu taabacsan yahay hab kasta oo lagu dejinayo quluubta xildhibaannada iyo bulshada Awdal ee ka cabanaysa saami qaybsiga wakiillada "Xildhibaannada gobolka Awdal horena waan u sheegay haddana waan u sheegayaa, xaq bay u leeyihiin inay muujiyaan dareenka shacabkooda, xal kasta oo lagu xallinayo arrintaasna gole ahaan iyo shakhsi ahaan iyo xisbi ahaan ba waan soo dhawaynayaa. Waxaanu jecelahay inaanu qayb ka noqono xal kasta oo arrintaasi lagu fardaaminayo,” ayuu yidhi Mr Cirro.
Mudaneyaasha wakiillada ee ka soo jeeda gobolada galbeedka ayaa todobaado ka soo xaadiri waayay golaha kadib markii ajandaha golaha lagu daray xeerka doorashada wakiillada oo wax ka badal iyo kaabis lagu samayn lahaa, balse shalay ayaa arrintaasi la afjaray kadib markii ajandaha laga saaray xeerkaasi islamarkaana goluhu sheegay in xeer cusub la curinayo. Xeerka ayaa ka mid ah sababaha dib u dhigay doorashada.