Wasaaradda Ganacsiga Oo Caddaysay In La Wareejin Doono Haamaha Shidaalka Ee Berbara iyo maareyaha Haamaha Shidaalka oo ka Beeniyey

0
Tuesday August 25, 2015 - 16:21:12 in by salman abdi
  • Visits: 823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Ganacsiga Oo Caddaysay In La Wareejin Doono Haamaha Shidaalka Ee Berbara iyo maareyaha Haamaha Shidaalka oo ka Beeniyey

    Gudida ilaalinta hantida iyo dabagalka Qaranka Ee Golaha Wakiilada Somaliland oo maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaarada Gancasiga Somaliland ayaa sheegay in wasiirka wasaarada Ganacsigu u cadeeyay in ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudida ilaalinta hantida iyo dabagalka Qaranka Ee Golaha Wakiilada Somaliland oo maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaarada Gancasiga Somaliland ayaa sheegay in wasiirka wasaarada Ganacsigu u cadeeyay in ....

la wareejinaayo haamaha shidaalka Ee Barbara, Sidaasina Waxa Sheegay Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Ka Mida Gudidaasi Waxana Yidhi "Maanta waxa aanu la kulanay Gudida ilaalinta hantida iyo dabagalka qaranka anagoo isku dhan Wasiirka Wasaarada ganacsiga Somaliland waxaana uu noga waramay waxyaabo badan oo wasaradiisa Quseeya.

waxyaabaha ugu horeeya ee aan ka wada hadalay waxa ugu horeeya kala xadaynta Ganacsiga taas oo ay noo shegeen in ay ku dhex jiraan sidii ay u kala ogaan lahyeen dadka leh Liisanada (hoolselka).

Waxa kale oo aan aad uga hadalay oo imika aad loo hadal hayo Arinta Haamaha Shidaalka Ee Magaalada Barbara, Haamaha shidaalka baryahan sidaan ogsoonahay waxa la hadal hayaa in lugu wareejiyo shirkado, waxaana Wasiirka Ganacsigu Noo Cadeeyay In arinkaasi Dhab Yahay waxaan kale oo ay noo cadeeyeen in ay iyaga ka wasaarad ahaan ay maamulaan uun lakiin marka noqto qarashaad iyo lacag aanay shaqo ku lahyin .

 

Markaa nurtii waanu isku daynay in aanu ogaano Goorta la Wareejinaayo lakiin wasiirku waa uu ka gaabsaday waxaana uu noo sheegay in ay iyagu yihiin ka wasaarad ahaan kuwa khusayso sexeexa u dambeeya ee wareejinta Haamaha shidaalka Magalaada Barbara.

intaa marka laga imaado waxaan ogaanay in wasaarada ganacsigu tah

ay mid la rifay oo laga ilaalinaayo howlaheedii ay u madax banaannlayid oo kaliya lugu soo koobay liisan ganacsi sidii ay u bixin lahyid .

Dhinaca kalena Mareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Sheikh Saleebaan Siciid ayaa isna dhinciisa sheegay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya in lawareejiyay haamihii Shidaalka Berbera kuwaas oo ku Sheegay Qaar aanay waxba ka jirin.

Sheekh Saleebaan waxa uu cadeeyay inaan lala Soo xidhiidhin loona sheegin waxa cadayn ahna aanu hayn oo lagu farayo in Shirkado gaar ah lagu wareejiyay Haamaha,isaga oo Xildhibaanada arintaasi ka hadlay faray in looga Baahan yahay in ay Cadaynteeda keenaan.


"waxba Kama jiraan oo waxba lama wareejin haamahuna waa Sidoodii wali,anagana wax nasoo gaadhay wali mahayno,lakiin dadkani iyaga ayuunbaa sheegaya oo wareejintani suuqa ayay iska jirtaa,waxa hada aanu wareejinaynaa mahayno ilaa hada waxaasina waa warkii suuqa aniguna wali hadalkaas mahayo.
Mareeyaha oo HadhwanaagNews u waramay isaga oo ku sugan Magaalada Berbera ayaa eedaasi dhan iska fogeeyay,cadeeyayna in ay waxa waliba sidii loogu talo galay madaxwaynaha somaliland ku amray ay uwada socdaan waxaana uu yidhi.

 

intaas waxa uu ku daray mareeyaha haamaha shidaalka Berbera waxaana uu yidhi.ā€¯haamaha Aniga ayaa ka Masuul ah Anigana wax isoo gadhay mahayo ilaa hada oo wareejin ah,Shirkadahu waxa ay ka mid yihiin ganacsatada aanu u shaqayno,waxaan arintaas ka ogay majirto,sabab loogu wareejiyaana hada Meesha taalo oo anigu garan maayo.

Geesta kale waxa uu sheegay in Ay hayaan Masuuliyadii Haamaha Balse waraaqo lakala Saxeexday iyo Hawl Lagu war Galiyay Aanay Jirin in Laga kiraynayo Shirkado Haamihii waxaana uu yidhi.

"waxaanu Saxeexnay,wax isoo gaadhay iyo Dogmanti ah oon hayaa majirto,waxaanu wali u shaqaynaynaa habkii madaxwaynaha somaliland nagu ogaa,wax is badal ah oo haamaha lagu sameeyay majirto,ana Sidii uunbaa mareeye uga ahay oon u joogaa,shaqadina sideedii ayay u socotaa,shirkadahuna shaqadoodii ayay haystaan.

Xildhibaanada sheegay in Shirkadaha lagu wareejiyay waxa uu cadeeyay in looga baahan yahay in Ay cadaynta keenaan Halka lagu wareejiyay in Masuuliyiinta Saxeexay inkasta oo Ay Xildhibaanadu ku Doodayaan In wasiirka Ganacsigu u sheegay waxaana uu yidhi.

"Marka amarka Dawladu usoo gaadhi,marka Dogmanti Cadan aan helo ayaan ku wareejin Doonaa inta ka horaysa warkaasi mahayo,iimana muuqato wakhti lawareejiyo,wasiirkuna hadii uu heshiis wado oo way wada hadlayaan wali imay Soo gadhin.

Hadalkan ka soo yeedhay mareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera ayaa imanaya wakhti lasheegayo in Haamaha lagu wareejiyay shirkado gaar ah,waxaana uu arinkaasi ku macneeyay mid aanay waxba ka jirin.



Contact@afkashacabka.com