Xisbiga UCID oo beeniyey Xubno la sheegay inay iska Casileen Xisbiga oo warbaahintu baahisay

0
Tuesday August 25, 2015 - 17:08:12 in by salman abdi
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID oo beeniyey Xubno la sheegay inay iska Casileen Xisbiga oo warbaahintu baahisay

    Sidaasna waxay ku sheegeen war-saxaafadeed uu soo saaray xisbigu oo uu ku saxeexanyahay Xoghayaha xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka ee xisbiga Ucid Cabdiqani Ibraahim Salaf , waxaanu uqornaa sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaasna waxay ku sheegeen war-saxaafadeed uu soo saaray xisbigu oo uu ku saxeexanyahay Xoghayaha xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka ee xisbiga Ucid Cabdiqani Ibraahim Salaf , waxaanu uqornaa sidan:

WARSAXAAFADEED

 

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID Waxaa uu Halkan ku Cadaynayaa inaan haba yaraatee Cid Xisbiga Xil Kahaysay oo iska Casishay aanay jirin Isla Markaana ay Wax Lala yaabo Nagu Noqotay Markii aanu Website yada Qaar kamida ku Aragnay Xubno aan Xilba Kahaynin Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Laanta Gobolka Togdheer ay ku Andacoodeen Inay Xisbiga iska Casileen, Hadaba Waxaan Halkan ugu Cadaynayaa Shacabka Reer Somaliland gaar ahaan Taageerayaasha qiimaha badan ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID in Xubnahan uu ka mid yahay Mukhtaar Maxamed Jaamac hore looga qaaday xilalkii ay xisbiga u Hayeen,

 

 

Waxaan Halkan idiinku soo lifaaqay Warqadii aan xilka kaga qaaday xubanahan sheegtay inay is casileen Taariikhdu markay ahayd. 21/05/2015 sida warqada xilka qaadista ku cad hadaba waxaan leeyahay warbaahintu ha iska hubsadaan intaanay qorin wararka noocan oo kale ah.



ALLA MAHAD LEH

 

Xog/Xidhidhka Gobolada iyo Degmooyinka Xisbiga UCID

Md:Cabdiqani Ibraahim Salaf _________________________