Murashax Jamal Cali Xuseen oo si kulul uga hadlay Arrinta Wareejinta Haamaha shidaalka

0
Wednesday August 26, 2015 - 07:42:26 in by salman abdi
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashax Jamal Cali Xuseen oo si kulul uga hadlay Arrinta Wareejinta Haamaha shidaalka

    musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay xukuumadu wareejinayso haamaha shiidaalka ee ku yaala magaalada Berbera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay xukuumadu wareejinayso haamaha shiidaalka ee ku yaala magaalada Berbera.

Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumada ku canaantay wareejinta haamaha shiidaalka Berbera, waxa kale oo uu balan qaaday inuu soo bandhigi doono daraasad ka haldaysa haamaha shiidaalka ee magaalada Berbera.

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo bartiisa Face-book uu ku leeyahay soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo wareejinta haamaha shiidaalka ayaa waxa uu qoraalkaasi u dhignaa sidan 

"Xukuumadda Kulmiye waxay ku tallo jirtaa inay iibiso Oo wareejiso Haamihii magaaladda Berbera. Waxay damacsan tahay inay ku wareejiso 6 shirkadood Oo 3 Ka mid ay leeyahiin dadka madaxtooyada ka talliya laftigoodu sida ay wararku xaqiiji ayaan. Shirkadaha aanay iyagu lahayn waxay ka qaadanyaan US$ 2 million midkiiba. Tani waxay ka mid tahay boobkii Ugu waalnaa xukuumad wakhtigeediii sii dhamaanayo. Kolay dhawaan waxaan soo bandhigi doonaa daraasad ka hadlaysa Haamaha Iyo sida Loogu takri falay Iyo boobka lala damacsan yahay Iyo sidii TOTAL looga qaaday. Kuwa hantidda Ummadda iibinaya Ee Siilaanyo Ugu horeeyo waxa ka SII waalli Badan kuwa iibsanaya. Waa inoo Iyo Soo bandhigidda daraasadka Haamahaā€¯. 



Contact@afkashacabka.com