Wasiirka Madaxtooyada , Wasiirka Maliyadda iyo Maayarka Caasimadda oo si wada jir ah u Dhagax Dhigay Waddo laami ah oo laga hirgelinayo Xaafadda Xawaadle

0
Wednesday August 26, 2015 - 07:45:22 in by salman abdi
  • Visits: 717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada , Wasiirka Maliyadda iyo Maayarka Caasimadda oo si wada jir ah u Dhagax Dhigay Waddo laami ah oo laga hirgelinayo Xaafadda Xawaadle

    Waddadan oo ay baahi weyn u qabeen Bulshada Xaafadaasi ayaa ah 2 KM iskuna xidhi doonta Goljanno iyo Boqol iyo Kontonka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waddadan oo ay baahi weyn u qabeen Bulshada Xaafadaasi ayaa ah 2 KM iskuna xidhi doonta Goljanno iyo Boqol iyo Kontonka

Wasiirrada Madaxtooyada iyo Maaliyadda, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Samsam Cabdi Aaden oo ay wehelinayeen Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) iyo Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) ayaa shalay dhagax dhigay waddo 2KM ah oo isku xidhaysa xaafadaha Goljanno iyo boqol iyo Kontonka.

Munaasibadda dhagax dhigga waddadaasi ayaa waxa ka qayb-galay dadweynaha xaafadda Xawaadle oo waddadu sii dhex mareyso, kuwaasi oo ka mid yahay Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro), waxeyna dawladda dhexe iyo dawladda hoose ee Hargeysa oo iska kaashanaya dhismaha waddadan ku bogaadiyeen hawshan.

Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Soltelko oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi "Waddadani waxay noqon doontaa 2KM, 1KM wuxuu ku jiray qorshaha dawladda hoose, 1-ka KM ee kalena waxaan uga mahad-celinayaa labada Wasiir ee Maaliyadda iyo Madaxtooyada….”

Sheekh Aaden Siiro oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa masuuliyiinta dhagax dhigay waddadaasi uga mahad-celiyey dedaalka ay hawshaasi u galeen "Waxa la dhagax dhigay waddadii wadnaha ee xaafadda Xawaadle, ILAAHAY ka sakow waxa fadligaa leh labada wasiir ee Maaliyadda Iyo Madaxtooyada iyo Maayarka Hargeysa, aad iyo aad bay u mahadsan yihiin, annaguna aad baanu ugu duceynaynaa, haddii Alle yidhaahdo si deg-deg ah ayaa loo bilaabayaa oo loo dhamaystirayaa…”ayuu yidhi.

Warka Dhagax dhigga Waddada

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa isaguna sheegay in dhismaha waddadani ka mid tahay qorshayaasha xukuumaddu ku horumarinayso dalka "Dadweynaha iyo xaafaddanba waxaanu u ballan-qaadnay in waddooyinka la hagaajiyo, markaa waddooyinka dalka iyo kuwo caasimadda ee la hagaajinayo ayay ka mid tahay, waana qorshihii uu Madaxwaynuhu ugu talo-galay in waddooyinka dib loogu dhiso ee horumarka dalka qaybta muhiimka ah ka qaadaneysay. Tan oo kaliyana maaha ee dawlad ahaan wixii kale ee waddooyin ah waanu ka qayb-qaadaneynaa….”ayuu yidhi, wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

Gabogabadii waxa halkaasi ka hadashay Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aaden waxayna tidhi "Waxaan u mahad-celinayaa Wasiirka Madaxtooyada, Maayarka Hargeysa iyo Sheekh Aaden Siiro oo hawlo aad iyo aad u badan oo samo-fal ah dalka ka qabta. Waddadani waxay isku xidhaysaa xaafadaha Goljanno iyo boqol iyo kontonka, waana waddo aad iyo aad u dhib badan oo sidi waddanku loogu soo noqdey (Lama taaban)…