Qaadhaan Bixiyayaasha Somaliland Ka Taagera Doorashoyinka Oo Soo Dhaweeyay Go'aankii Maxkamada Sare.

0
Wednesday August 26, 2015 - 07:50:25 in by salman abdi
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaadhaan Bixiyayaasha Somaliland Ka Taagera Doorashoyinka Oo Soo Dhaweeyay Go'aankii Maxkamada Sare.

    Kulan Qaadhaan-bixiyayaashu ku yeesheen Hargeysa kadib markii ay soo gaadheen qaar ka mid ah dalalka Qaadhaan-bixiyasha ka ah Doorashooyinka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan Qaadhaan-bixiyayaashu ku yeesheen Hargeysa kadib markii ay soo gaadheen qaar ka mid ah dalalka Qaadhaan-bixiyasha ka ah Doorashooyinka Somaliland

ayaa lagu gorfeeyey Marxaladda Doorashooyinka Somaliland ,waxaanay go’aansadeen inay taageeraan Go’aanka ka soo baxay Maxamadda Sare ee dastuuriga ah.

 

sweden qadhn

Qaadhaan-bixiyayaasha oo markii hore ku kala aragti duwanaa go’aanka Maxkamadda Sare oo Ayiday Go’aankii Golaha Guurtidda ayaa shir isugu yimi Hargeysa labadii maalmood ee u danbeeyey gaar ahaan kooxda ku midawday taageerida Doorashooyinka Somaliland kuwaas oo isla meel dhigay in la garab istaago si kasta oo ay Doorashooyinku ku qabsoomi karaan.
Dhinaca kale, waxa shalay magaaladda hargeysa soo gaadhay sida wararku sheegayaan wefti ka socda Dalka Sweden, kuwaas oo sida wararka laga helayaa sheegayaan in ay dawladaasi wado Hindise ay Somaliland kaga furanayaan xafiis rasmi ah.
Talaabadan haddii ay dhab noqoto waxay Somaliland u noqonaysaa Guul dublamaasiyadeed oo taageerta dalalkii xafiisyada hore uga furtay sida Denmark, Itoobiya, Turkiga, Jabuuti oo iyana dhawaan safiir soo magacawday Somaliland iyo dalalka kale ee xidhiidhka tooska ah la leh Somaliland.Midawga Yurub oo ka mid ah daneeyayaasha Somaliland ka taageera dhinaca Doorashooyinka ayaa ka gaws-qabsaday taageerada Go’aanka Golaha Guurtidda iyo Maxkamadda Dastuuriga ah, hase yeeshee waxa uu u muuqdaa in uu ka soo dabcay sidii hore.
Si kastaba ha ahaatee talaabooyinkan is xiga ee ay Somaliland heshay waxay noqonayaan kuwo ka dajiya culayskii dub-lamaasiyadeed ee ka dhashay Dibu-dhaca Doorashooyinka kuwaas oo dad badan walaac ku abuuray, hase yeeshee kusoo af-jarmay dhaqankii Reer Somaliland iyo siyaasiyiintoodu ku soo caano maaleen ee ahaa is af-garadka.