Maxaa ka jira wararka sheegaya in Hanti dhowrka Guud ee Qaranku Xayiraad ku soo Rogay Kabkii Ay dawladaha hose siin jirtay Dawladda dhexe

0
Wednesday August 26, 2015 - 07:55:13 in by salman abdi
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka jira wararka sheegaya in Hanti dhowrka Guud ee Qaranku Xayiraad ku soo Rogay Kabkii Ay dawladaha hose siin jirtay Dawladda dhexe

    Wasiirkuxigenka Maamulka Dawladaha Hoose ee Wasaradda Arrimaha Gudaha Md Axmed Farax Cadarre oo wax laga waydiiyey Jiritaanka Go'aanka lagu xayiray kabkii Dawladaha hoose ayaa sheegay .......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkuxigenka Maamulka Dawladaha Hoose ee Wasaradda Arrimaha Gudaha Md Axmed Farax Cadarre oo wax laga waydiiyey Jiritaanka Go'aanka lagu xayiray kabkii Dawladaha hoose ayaa sheegay .......

Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka, ayaa amar ku bixiyey in xannibo guud ahaan bixinta Kabka dhaqaale ee dawladda Dhexe ku taageerto Goleyaasha deegaanada dalka, amarkaas oo samaynaya qaar ka mid ah Goleyaasha deegaanka.

Ma jiro war rasmi ah oo Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ka soo saaray tallaabadann, haseyeeshee ilo-wareedyo Wargeyska Himilo helay, ayaa sheegay in Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Maxamuud Aw-Cabdi (Maxamuud-dheere) uu wasaaradda Arrimaha Gudaha u gudbiyey qoraal uu kaga dalbanayo in la xayiro Kabka dhaqaale ee la siiyo qaar ka mid ah Goleyaasha Deegaanka dalka.

Sida olo-wareedyadani sheegeen, go’aanka Hanti-dhowraha Guud ayaa ka dambeeyey kaddib markii goleyaasha deegaanada dalka qaarkood ka ka baaqsadeen inay dowladda Dhexe u gudbiyaan Xisaab-xidhka dhaqaalihii xukuumaddu siiyey sannadihii hore.

Warku waxa uu intaas ku daray in go’aankani saamayn ku yeelanayo ugu yaraan Todoba ka mid ah Goleyaasha Deegaanka ee dalka , kuwaas oo kala ah Goleyaasha Deegaanka magaalooyinka Boorama, Gebilay, Berbera, Burco, Ceerigaabo, Oodweyne iyo qaar kale.

Sida uu dhigayo Xeerka Goleyaasha Deegaanka Xeer No. 17, gaar ahaan QODOBKA 89aad oo ka hadlaya XISAAB XIDHKA GOLAHA DEGMADA oo sheegaya in Xisaab-xidhyada Goleyaasha Deegaanku noqdaan qaar ku muddeysan Hal bil, saddex bilood ama Sannad isla markaana ay u gudbinayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo leh hubinta iyo sixidda shuruucda Xisaabaadka, halka Xafiiska Hanti-dhowrka Guudna loo gudbinayo Nuqul ka mid ah Xisaab-xidhka.

Dhinaca kale, waxa uu Wargeyska Himilo arrintan wax ka weydiiyey Wasiir ku-xigeenka Maamulka Degmooyinka Md Axmed Faarax Cadarre oo iftiimiyey jiritaanka go’aankan, balse waxa uu wasiirku ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo inuu soo gaadhay amarka Hanti-dhowrka Guud ku dalbaday xayiraadda la saaray Kabka Dowladaha Hoose ee dalka qaarkood, isagoo sheegay inuu hawl uga maqan yahay caasimadda, markuu soo noqdana uu si faahfaahsan uga hadli doono.

Talaabada Xafiiska Hanti-dhowrka guud ku joojiyey bixinta kabka Dhaqaale ee goleyaasha deegaanada dalka lagu taageero, ayaa ku soo beegmaya xilli hawlwadeenada xafiiskaasi hawlo baadhitaan oo aan weli natiijooyinkooda la shaacin ka wadaan qaar ka mid ah xarumaha goleyaasha deegaanada dalka.




Xigasho Himilo.