Daawo: Xeer hoosaadyadii Golaha Wakiilada oo wax ka bedel lagu samaynayo iyo Xildhibaan Ibrahin Mahdi Buubaa oo sharaxaya sababta

0
Wednesday August 26, 2015 - 07:59:08 in by salman abdi
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Xeer hoosaadyadii Golaha Wakiilada oo wax ka bedel lagu samaynayo iyo Xildhibaan Ibrahin Mahdi Buubaa oo sharaxaya sababta

    Gudoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha wakiilada somaliland xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa ka hadlay wax ka bedal lagu samaynayo xeer hoosaadka golaha wakiilada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha wakiilada somaliland xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa ka hadlay wax ka bedal lagu samaynayo xeer hoosaadka golaha wakiilada.


Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo maanta ka hadlayey fadhigii golaha wakiilada ayaa waxa uu faah faahiyey qodobo ay ku soo kordhiyeen xeer hoosaadka golaha wakiilada waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan "Guddida joogtada ah iyo anshaxu qodobo ay ku soo dartay oo ay u aragtay muhiim kuwaas oo ku saabsan dar dar gelinta hawlaha shaqo ee golaha kana hadlaya xaadirka mudanayaasha ee fadhiyada golaha iyo talaabooyinka anshax marineed ee ka dhalanaya ka maqnaanshaha fadhiyada golaha fasax la,aan iyo fasaxyada ay mudanayaashu soo dalban karaan inta uu socdo fadhiyada goluhu.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa faah faahinaya qodobada lagu soo kordhinayo xeer hoosaadka goalah wakiilada waxaanu yidhi "xaadirka iyo ka qayb galka fadhiyada golaha waxa muhiim in

 

1. Xildhibaan kasta waxa waajib ku ah inuu soo xaadiro kana qayb galo fadhiyada golaha, waxaynu aragnay in xildhibaanadu iyaga oo jooga magaalada fasaxna aan qaadan ay hadana ka maqnaadaan fadhiyada golaha, qodobkaas ayaa xaaraantimaynaya

2. Saacadaha shaqada ee goluhu waxay noqonayaan 8 subaxnimo ilaa 2:30 duhurnimo waa sideed saacadood oo shaqo ah, hadii aynu inagu u bilaabi wayno in somaliland shaqaalaheedu 8 saacadood shaqeeyaan wasaaradaheena iyo dadkeena kalana sideed saacadood oo ay shaqaynayaan ma jiraan.