Shirkada Xawilaada Lacagta Ee Dahabshiil Iyo Baanka Barclays Oo Heshiis Gaadhay.

0
Friday April 18, 2014 - 09:00:47 in by salman abdi
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkada Xawilaada Lacagta Ee Dahabshiil Iyo Baanka Barclays Oo Heshiis Gaadhay.

    Shirkadda Xawilaada Lacagaha ee Dahabshiil iyo Bankiga Barclays Bank ee dalka Britain ayaa si wada jir ah u gaaray heshiis, kaasi oo meesha ka saaraya dacwaddii dhinaca maxkmadda ee labada dhinac u dhaxaysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Xawilaada Lacagaha ee Dahabshiil iyo Bankiga Barclays Bank ee dalka Britain ayaa si wada jir ah u gaaray heshiis, kaasi oo meesha ka saaraya dacwaddii dhinaca maxkmadda ee labada dhinac u dhaxaysay.
Sida ku xusan warsaxaafadeed ay Shirkadda Dahabshiil soo saaratay, qodobada heshiiskan oo ka dhacay London,waxaa ka mid ah in la helo muddo kumeel gaadh ah oo shirkadda Dahabshiil fursad loo siiyo inay xidhiidhkii macaamil ee ay la lahayd Baanka Barclays, ay kuraadsato adeegyo kale oo u bedala macaamilkii baankaas.
Agaasimaha Shirkadda Dahabshiil, Cabdirashiid Ducaale (Dahabshiil) oo ah agaasimaha shirkaddaasi ayaa VOAda u sheegay in hawlihii shirkadda Dahabshiil ay si caadi ah u socon doonaan isla markaana ay macaamiisha shirkaddu si caadi ah u heli doonaan adeegyadii ay shirkaddu u qaban jirtay

Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
contact@afkashacabka.com