Soo DHoweyn layaab leh oo loo diyaarinayo Proff ismacil hurre buubaa oo ka soo quustay Siyaasadii Somalia

0
Wednesday August 26, 2015 - 15:12:16 in by Hargeysa Office
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soo DHoweyn layaab leh oo loo diyaarinayo Proff ismacil hurre buubaa oo ka soo quustay Siyaasadii Somalia

    Waxa si weyn looga dareemayaa magaalada Hargeysa imaatinka Siyaasiga weyn ee Ismaaciil Buubaa oo la filaayo inuu dhowaan soo gaadho magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa si weyn looga dareemayaa magaalada Hargeysa imaatinka Siyaasiga weyn ee Ismaaciil Buubaa oo la filaayo inuu dhowaan soo gaadho magaalada Hargeysa.


Siyaasi Buubaa oo dhowaan kasoo laabtay siyaasadii uu hore u aaminsanaa ee Somali weyn ayaa la filayaa inuu dalka Somaliland
kusoo guryo noqdo ,kadib markii uu muddo labaataneeyo sanno ah aaminsanaa siyaasadaasi Somaliweynta ah,xilal kala duwana kasoo qabtay xukumadihii kala duwanaa ee Somaliya soo maray.
Mr Buubaa ayaa kamid ahaa mujaahidiintii SNM ee usoo halgamay dalkan Somaliland isaga oo sidoo kalena ahaa wasiirkii Maaliyadda Ee Somaliland,kuna guulaystay samaynta lacagta Somaliland.
wadooyinka waaweyn ee magaalada Hargeysa ayaa lagu arkaayey maanta booodhadh waaweyn oo uu ku sawiran yahay Ismaaciil Buubaa,kaas oo lagu xardhay kusoo dhowow dalkaagii hooyo,Masuul dalkaaga iyo dadkaaga kuu baahan kusoo dhowow iyo ereyo kale oo soo dhoweyn ah.

waxaana la filayaa inuu dhowaan soo cago dhigto dalka Somaliland oo uu muddo ka maqnaa.

siysi buba

siyaasigan ayaa ah siyaasigii labaad ee kasoo noqda siyaasada Somali weyn ee ma dhalayska noqotay ,waxaana ka horeeyey Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo isna waqtigan ah muwaadin aaminsan fikirka gooni isu taaga Somaliland ,horena u ahaa nin aaminsan Somaliweyn xilalna u doontay.


waxa jira siyaasiyiin yar oo faro ku tiris ah kuwaas oo weli ku hadhsan Somaliya,iyada oo aanay kuwo badan ka dhab ahayn fikirka Somali weyn ee ay qaarkood Cadho geysay ,halka kuwo kalena ay u shaqo tageen.