Afhayeenka Madaxweynaha Dalkaasi Somalia Daa'uud Aways Oo La Filaayo Inuu Iscasilo.

0
Thursday August 27, 2015 - 16:16:58 in by salman abdi
  • Visits: 1036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Madaxweynaha Dalkaasi Somalia Daa'uud Aways Oo La Filaayo Inuu Iscasilo.

    Khilaaf, adag ayaa soo kala dhexgalay Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Afhayeenkiisa, Daa'uud Aweys Jaamac, xilli uu xilkaasi ku magacaaban yahay wax ka yar hal sano.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf, adag ayaa soo kala dhexgalay Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Afhayeenkiisa, Daa'uud Aweys Jaamac, xilli uu xilkaasi ku magacaaban yahay wax ka yar hal sano.

Daa’uud Aweys, ayaa xilkaasi loo magacaabay bishii December ee sanadkii 2014-ka, markaa oo uu ka tagey Laanta afka Somaliga ee VOA, oo Xarunteedu tahay Magaalada Washington.

Afhayeenka, ayaa wuxuu ka cabanayaa dhowr arrimood oo xilligan taagan, waxaana laga xusi isagoo ka cabanaaya ragga ku dhow dhow Madaxweynaha, oo si aan wanaagsanayn ula dhaqmay iyo dhaqaalo xumo.
Wararka waxay intaa ku darayan in Arbacadii shalay uu diiday inuu qoro Warbixinta booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku tagey Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay.
Warar madax bannaan, ayaa sheegaaya in Daa’uud Aweys uu Madaxweynuhu ku eedeeyay, marar badan in uu soo gaadhsiiyay waxyaabaha uu ka cabanaayo, laakiin uu dhegaha ka fureystay.
Suxufiyiinta Magaalada Muqdsho, ayaa soo sheegaaya in ay suurta gal tahay xilkaasi in uu iska casilo Daa’uud, inkastoo ay soconayan dadaalo laga dhex wado isaga iyo Madaxtooyada.
Daa’uud Aweys oo ka mid ah Suxufiyiinta sida weyn dal iyo dibadba looga garanaayo, ayaa ka soo shaqeeyay BBC, VOA iyo qaar ka mid ah Wakaaladaha Wararka Caalamka.
Bishii June, ayay ahayd markii uu is casilay Afhayeenkii Xukuumadda Somaliya, Ridwaan Xaaji C/weli, iyadoona uu dib ugu laabtay Magaalada London, oo uu horey ugu noollaa. 


Contact@afkashacabka.com