Xukuumadda Somaliland, ayaa ansixisay xeerka la dagaalanka Argixisada iyo xeerka waxbarashada.

0
Friday April 18, 2014 - 13:14:39 in by Super Admin
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland, ayaa ansixisay xeerka la dagaalanka Argixisada iyo xeerka waxbarashada.

    Afhayeenka Madaxtooyada JSL oo shirkii Golaha Wasiirrada ka dib sina saxaafadda la hadlay ayaa ka warbixiyay dhawr qodob oo lagaga hadlay shirkii fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Khamiistii shalay, waxaanu yidhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Madaxtooyada JSL oo shirkii Golaha Wasiirrada ka dib sina saxaafadda la hadlay ayaa ka warbixiyay dhawr qodob oo lagaga hadlay shirkii fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Khamiistii shalay, waxaanu yidhi


Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa fadhigoodii shalay oo uu guddoominayay Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku ansixiyay labada xeer oo kala ah xeerka ka hortagga iyo la dagaalanka argagixisadda iyo xeerka waxbarashada, sida uu sheegay afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul.

Afhayeenka oo shirkii Golaha Wasiirrada ka dib saxaafadda la hadlay ayaa ka warbixiyay dhawr qodob oo lagaga hadlay shirkii fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Khamiistii shalay, waxaanu yidhi

"Fadhigii maanta (shalay) ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa Goluhu ku ansixiyay laba xeer oo muhiim ah oo kala ah, xeerka ka hor tagga iyo la dagaalanka argagixisadda iyo xeerka waxbarashadda qaranka. Labadan xeer oo ahmiyad u leh qaranka, markii xubnaha golaha oo dhami ka qeyb qaateen dooddiisii, waxa goluhu isku raacay in la ansixiyo”


Afhahayeenka Madaxtooyada Somaliland, Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu sharaxay ahmiyadda xeerka ka hortagga iyo la dagaalanku argagixisadu u leeyahay dalka, waxaanu yidhi "Xeerka ka hortagga iyo la dagaalanka waa xeer ahmiyad weyn leh dalka, waad otihiin mandaqadda Geeska Afrika waxa ka taagan meelo badan ayay amni darro ka taagan tahay, sidii aynu awlba heeganka ugu jirnay ee aynu uga feejignayn inaynu ka hor tagno wixii dalkeenna khal-khal iyo dib u dhac ku keeni kara ayaa xeerkan muhiimadiisa loo baahday. Xeerka ka hortagga iyo la dagaalanka argagixisadu waa xeerkii aynu amnigeena ku sugaynay ee caalamkuna inagula shaqeynayay, sidaas darteed ayaa loo baahday xeerkan”
Afhayeenku waxa uu intaas ku daray in sidoo kale Golaha Wasiirradu isku waafaqeen, isla markaana qalinka ku duugeen xeerka waxbarashadda oo horumarka qaranka hal-beeg u ah "Ummad walba horumarkeeda waxa lagu arkaa heerka waxbarashadeedu taagan tahay, xeerka waxbarashadda qaranka waxa soo diyaarisay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare waxaanu ku wajahan yahay horumarinta tacliinta waddanka. Labadan xeerba waxay u gudbi doonaan Goleyaasha sharci dejinta…” ayuu yidhi, Afhayeenka Madaxtooyada JSL.


Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in dawladda Kenya ay xafiis danaheeda ka shaqeeya ka furanayso Hageysa "Dawladda Kenya waxay si rasmi ah u aqbashay inay Somaliland xafiis danaheeda ka shaqeeya ka furtaan, Nairobi iyaguna (Kenya) ay xafiis kaas la mid ah ka furtaan Hargeysa waa tallaabo muhiim ah oo hore loo qaaday, waana tallaabo qarankeena wax tari doonta runtii,”ayuu yidhi.


Ansixinta Golaha Wasiirrada Somaliland ee xeerka la dagaalanka argagixisada, ayaa ku soo beegmaya xili dawladda Ingiriisku sheegtay inay xayiraaddii dhanka socdaalka ka qaaday Hargeysa iyo Berbera, isla-markaana dadkeedu iman karaan, waxaana la sheegay in sababta loo asnxiyey xeerkani uu tahay inuu ku jiray qodobbo la xidhiidha ammaanka Somaliland oo uu Wasiirka Afrika ee Ingiriisku u soo bandhigay xukuumadda Somaliland, kana codsaday inay fuliso, taasi oo xukuumaddu isla shalayba ka jawaabtay inay meel mariso.


Ilo-wareedyo ayaa wargeyska Somalilandtoday u sheegay inay suurto-gal tahay in dawladdu Ingiriisku ay guud ahaan Somaliland ka qaado xayiraadda dhanka Socdaalka, mar haddii la ansixiyey xeerka la dagaalanka argixisada oo la wariyey inuu ahaa shuruud dawladdu Ingiriisku ku xidhay xayiraad ka qaadista Somaliland ee la xidhiidha dhanka ammaanka.

 







Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com