"Waxaan La Tiigsanaya Sharciga Dalka U Yaala Wargeyska Foore…"Wasiirkuxigenka cusub ee qorsheynta

0
Friday August 28, 2015 - 13:46:34 in by salman abdi
  • Visits: 797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan La Tiigsanaya Sharciga Dalka U Yaala Wargeyska Foore…"Wasiirkuxigenka cusub ee qorsheynta

    Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland, Cabdi Yuusuf Ismaaciil (Cabdi Wadaad) oo dhawaan uu Madaxweynaha Somaliland xilkaas u magacaabay ayaa si kulul uga jawaabay ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland, Cabdi Yuusuf Ismaaciil (Cabdi Wadaad) oo dhawaan uu Madaxweynaha Somaliland xilkaas u magacaabay ayaa si kulul uga jawaabay ...


War shalay ku soo baxay Wargayska Foore, oo ka soo baxa Magaalada Hargaysa.

Warkaas oo ayaa Wargeysku ku sheegay in Wasiir ku xigeenka qorsheynta ee Madaxweyne Siilaanyo magacaabay uu dhawaan ka soo laabtey dalka Soomaaliya isla-markaana aaminsanaa mabda’a Somaliweyn, laakiin Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo horumarinta Somaliland, Cabdi Yuusuf Ismaciil (Cabdi Wadaad) oo qaar ka mida warbahinta la hadlay ayaa ka hadlay warka uu wargeyska Foore kula xidhiidhiyey Soomaaliya, waxaanu sheegay in warkaasi yahay waxba kama jiraan isla-markaana uu isagu ka mid ahaa ururkii xoreynta Somaliland ee SNM, xillal horena ka soo qabtey dalka.
Wasiir ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi "Waxaan halkan ka beeninaya war been abuur ah oo islaamnimada ku gef ah oo xishoodka iyo koritaanka qaan gaadhnimo ee aadamaha ku nusqaan ah oo aan garan waayay wuxuu uga jeeday qofkii qoray iyo cidda u soo dhiibtay. Saaka (Shalay) Wargayska Foore wuxuu iga qoray inaan ahay siyaasi aaminsan Soomaaliweyn, isagoo leh ninkaas oo caynkaas ah ayuu Madaxweynuhu xil u magacaabay. Horta waxa haboonayd inay qolada Jaraa’idkaasi ama ciddii u soo dhiibtay wax kale oo ay igu maagaan doontaan. Somaliland anigu waxaan ka mid ahaa raggii u soo dagaalamay ee naftooda u soo huray, muddo dheer oo dhawr iyo toban sanno gaadhaysana waxaan ka hayay xil oo Wasiir baan ka ahaa, dhiigaygana way ku talaalan tahay, markaa ninka Wargayskaa lihi waa nin aan war badan haynin, wuxuuna been ka sheegay shakhsiyadayda waanan uga fadhiya inuu caddeeyo, sharciga dalka u yaala ayaan ku kala baxaynaa”.:
Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi. "Warkaas waxay Jariiradda Foore nuxur ka dhiganaysay wuxuu tagay Muqdisho, anigu Muqdisho waan tagay anigoo aan xil haynin ahna Muwaadin reer Somaliland ah, muddo kooban ayaan ka soo qabsaday dano ii gaara oo shakhsi ah, meel aan siyaasadda dalkaas ku galay iyo meel aan cid wax ku waydiistay toona ma jirin, manay dhicin markii muraadkaygii shakhsiga ahaa ii soo dhammaadayna waan ka soo noqday, beenta badan ee ay leeyihiin Raysal Wasaaruhu u tagay iyo halkaas ayuu maray inta badan ee ay waxaas shubayaan halkan Hargaysa ayaa joogay. Marka runtii maaha inuu qofku been isaga badheedho oo shakhsiyadda qof la mid ah ku gefo haddana ku nabad galo, hasoo caddeeyeen halkan Soomaali weyn ku ahaa, waan uga fadhiyaa sharciga ayaana noo dhex ah, Saxaafadduna maaha wax aan dabar qabta lahayn sida Shaydaanka. Beenta intaas leeg markay sheegayeen xitaa waxba igamay soo weydiin waana mid subxaanalle ah…” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyay Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta Qaranka Somaliland, Cabdi Yuusuf Ismaciil (Cabdi Wadaad).