Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hantidhowraha qaranka somaliland oo isku khilaafsan kabka laga joojinayo dawladaha hose siyabo is khilaafsana uga hadlay

0
Friday August 28, 2015 - 14:09:10 in by salman abdi
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hantidhowraha qaranka somaliland oo isku khilaafsan kabka laga joojinayo dawladaha hose siyabo is khilaafsana uga hadlay

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hanti-dhowrka Guud ee Somaliland, ayaa siyaabo is-khilaafsan uga hadlay warar sheegaya in hakad la galiyey bixinta kharashaadka Kabka ah ee dowladda Dhexe siiso Dowladaha Hoose ee dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hanti-dhowrka Guud ee Somaliland, ayaa siyaabo is-khilaafsan uga hadlay warar sheegaya in hakad la galiyey bixinta kharashaadka Kabka ah ee dowladda Dhexe siiso Dowladaha Hoose ee dalka.

Wargeyska Himilo ayaa todobaadkan qoray xogo uu ka helay ilo ku dhow xafiiska Hantidhowrka guud oo sheegaya in Hantidhowraha Guud ee Qaranka Maxamuud Aw-cabdi (Maxamuud dheere) amar ku bixiyey in la hakiyo kabka dhaqaale xukuumadu siin jiray goleyaasha deegaanada dalka qaarkood, ka dib markii ay ka baaqdeen inay soo gudbiyaan xisaab-xidhaddoodii.

Wasiir-xigeenka Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee wasaarada Arrimaha Gudaha Axmed Cadare, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan mar Wargeyska Himilo arrintan wax ka weydiiyey todobaadkii hore, isagoo ku cudur-daartay inuu hawlo-shaqo uga maqan yahay xafiiska, haseyeeshee mar uu shalay u warramayey warbaahinta dalka qaarkod, wuxuu beeniyey jiritaanka warkan, isagoo sheegay inaanay jirin xayiraad lagu soo rogay Kabka dhaqaale ee dowladaha Hoose, isal markaana aanay weli wax qoraal ah soo gaadhin, ciddii qortayna laga doonayo inay soo cadeeyaan.

Dhinaca kale, wargeyska Himilo oo xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay Hantidhowraha guud ee Qaranka Maxamuud Aw-Cabdi, waxa uu xaqiijiyey jirintaanka arrintan, isla markaana Wasiir-xigeenka Arrimaha Guduhu aanu xog-ogaal ahayn. "Isagu (Wasiir-xigeenka) ma bixiyo kabka, ee meel ayey ka baxdaa,” sidaa waxa yidhi hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Maxamuud Dheere oo si kooban uga jawaabay su’aalo Himilo ka weydiiyey jiritaanka xogaha laga helay xafiiskiisa iyo hadalka Wasiir ku-xigeenku ku beeniyey.