Gudidii Xukuumadu u dirtay Qaarada Yurub oo Ethiopia soo gaadhay Kulamana la Qaatay Safiirka Somaliland u Fadhiya Ethiopia.‏

0
Friday April 18, 2014 - 13:21:50 in by Super Admin
  • Visits: 758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudidii Xukuumadu u dirtay Qaarada Yurub oo Ethiopia soo gaadhay Kulamana la Qaatay Safiirka Somaliland u Fadhiya Ethiopia.‏

    Adis Ababa "Ethiopia" Wafigii Somaliland ee socdaalka u tegayey qaaradayurub ayaa soo gaadhay Caasimad dalkaa Ethiopia ee Adis Ababa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adis Ababa "Ethiopia" Wafigii Somaliland ee socdaalka u tegayey qaaradayurub ayaa soo gaadhay Caasimad dalkaa Ethiopia ee Adis Ababa,

 waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiinta Safaaradda Somaliland ee Ethiopia, waftigan oo la filayo in ay maalmaha soo socda ku sugnaan doonaan dalka Ethiopia ayaa kulamo la qaatay Safiirka Safaaradda Somaliland ee Ethiopia Mud, Adan Nuux Dhuule iyo Masuuliyiinta Safaaradda iyagoo fariin salaam iyo hambalyo ah ka soo gaadhsiiyey Madaxweynaha JSL iyo dhamaan shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka

Sidoo kale Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo kamid ah gudida qaran ee qabanqaabada 18may ee dhawaan Madaxweynaha JSL magacaabay isla markaana ah xubin kamida gudida qaadhaan ururinta jidka Burco iyo Ceerigaaboayaa safiirka ku adkeeyey in ay si agaasiman ku qaabilaan xuska sanadkan isla markaana shacab waynaha reer Somaliland ee ku dhaqan Ethiopia in ay xuskaas si maqaam sare leh u xusaan, sidoo kalena qaadhaan ku darsadaan Waddada.

Download IMG_5454.JPG (1511.9 KB)Download IMG_5465.JPG (1781.5 KB)Download IMG_5457.JPG (1889.4 KB)Download IMG_5452.JPG (1463.2 KB)Download IMG_5458.JPG (1673.9 KB)Download IMG_5465.JPG (1781.5 KB)

 

Safiirka Somaliland u fadhiya Ethiopia ayaa dhankiisa si heer sare ah u soo dhaweeyey waftiga uuguna bushaareeyey in ay si taariikhi ah uuga qayb qaadan doonaan xuska sanadkan ee ku astaysan horumarinta dalka.

 

Isku soo wada duubo kulankan waftigu la qaateen Masuuliyiinta Safaaradda Somaliland ee Ethiopia ayaa noqonaya dedaal kamida dedaalada ay gudidani uuga dan leedahay xoojinta iyo dardar gelinta jaaliyadaha ku dhaqan dunida dacaladeeda.




Afkashacabka.com

Addis Ababa /Office

Contact@afkashacabka.com