Banki-moon oo ku baaqay in la badbaadiyo Muhaajiriinta ku dhimanaya Badaha iyo saxaraha

0
Saturday August 29, 2015 - 10:16:41 in by salman abdi
  • Visits: 706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banki-moon oo ku baaqay in la badbaadiyo Muhaajiriinta ku dhimanaya Badaha iyo saxaraha

    Qarammada Midoobay ayaa sheegtay in loo baahanyahay in sare loo qaado dadaalada lagaga hortagayo dhimashada dadka muhaajiriinta ah ee ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarammada Midoobay ayaa sheegtay in loo baahanyahay in sare loo qaado dadaalada lagaga hortagayo dhimashada dadka muhaajiriinta ah ee ....

yurub u socda, kaddib markii la sheegay in ay boqolaal qof dhinteen maalmihii u dambeeyay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in loo baahanyahay in arrintan lagaga jawaabo siyaasad midaysan.

Wuxuu ku baaqay in dalalka arrintan ku lugtaleh looga baahanyahay in ay badiyaan wadooyinka sida ammaanka iyo sharciga ah loogu tagi karo dalalkooda
dhanka kalana Booliska dalka Austria waxa ay sheegayaan in seddax qof oo lala xidhiidhinayo 70kii mayadadka ahaa ee la helay la xidhay.
Dadkaasi dhintay oo tahriibayaal ahaa ayaa laga dhex helay gaadhi xamuul ah oo meel cidlo ah looga tagay.
Afhayeen u hadlay booliska dalkaasi aya waxa uu sheegay in 59 rag ah sideed dumar ah iyo afar cunug oo ah maydadka la helay dhammaan inay u dhasheen dalka Suuriya.
Waxa uu tilmaamay in dadkan ay u dhinteen gaadhiga ay saarnaayeen ee qaboojiye ahaa iyo nakhaska oo ku dhegay.
Waxa uu sheegay seddaxda qof ee laga shakisan yahay in lab aka mid ah ay u dhasheen dalka Hungary, laguna xidhay gudaha dalkaasi.
Gaadhiga xamuulka ah ee laga dhex helay maydadka waxaa looga tagay waddo wayn, maalintii arbacada.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Austria Johanna Mikl-Leitner waxa uu sheegay inaysan ku filneyn in dhacdada laga argagaxo oo keli ah, laakiin ay tahay in laga hortago dadka tahriibinta ka shaqeeya.