Xukumadda Somalil oo ka hadashay tallaabada ciidamada qaranka Somaliland ku gaadheen degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaasi oo xarun u ahayd kooxda Khaatumo.

0
Friday April 18, 2014 - 19:38:50 in by Super Admin
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumadda Somalil oo ka hadashay tallaabada ciidamada qaranka Somaliland ku gaadheen degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaasi oo xarun u ahayd kooxda Khaatumo.

    Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ciidamada qaranku halka ay tageen ay tahay Somaliland isla-markaana ay waajibaadkooda qaran gudanayaan, waxayna Maamul gobolleedka Puntland uga digtay inay dagaal oogaaal noqdaan oo ay mandaqadda qas galiyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ciidamada qaranku halka ay tageen ay tahay Somaliland isla-markaana ay waajibaadkooda qaran gudanayaan, waxayna Maamul gobolleedka Puntland uga digtay inay dagaal oogaaal noqdaan oo ay mandaqadda qas galiyaan.

 

Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay tallaabada ciidamada qaranka Somaliland ku gaadheen degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaasi oo xarun u ahayd kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo.

 

 

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ciidamada qaranku halka ay tageen ay tahay Somaliland isla-markaana ay waajibaadkooda qaran gudanayaan, waxayna Maamul gobolleedka Puntland uga digtay inay dagaal oogaaal noqdaan oo ay mandaqadda qas galiyaan.


Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gaashaandhigga Somaliland, Cabdi Daahir Camuud, oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa Hargeysa, ayaa tilmaamay in tallaabadii ay ciidamadda Qaranku ku gaadheen Degmadda Taleex in aanay waxba kaga duwanayn dhaqdhaqaaqii hore ee ay ciidamada qalabka sida ee Somaliand ku ilaalinayeen xuduudaha dalka "Ciidamadda Qaranka Somaliland waxay tegeen dhulkoodii, wax weyn oo la buun-buuniyana ma aha runtii, dalka nabadgelyadiisa ayuun baanay sugayaan, ciidamadda Qaranka Somaliland waxa ay hore ugu durkeen xarumihii hore ee ay fadhiyeen, oo waxay tegeen degmadda Taleex oo ka tirsan gobolka Sool. Waxa kale oo ay hore ugu durkeen oo ay gaadheen deegaanka Higlada la yidhaahdo, markaa taasi waxay noqonaysaa ciidamadu waxay booqdeen dhulkoodii Somaliland oo ka tirsan, haddii ay tageen waa la soo dhaweeyay run ahaantii, wax dhib ah oo imika ka taagana ma jirto”


Cabdi Daahir Camuud, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga, waxa uu farriin u diray maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay inay doonayaan inay soo faro geliyaan dhul ay Somaliland leedahay "Puntland waxaanu kula talinaynaa inay nabadgelyadda mandaqadda ilaaliyaan, waxyaabo fara badan oo tan ka xun ayaad ka socota gobolkooda, is-qarxin baa ka socota, nabadgelyadooda oo aan sugnayn ayaa ka jirta, waxaan kula talin lahaa maamulka Puntland in aanay dagaal oogeyaal noqonin ee ay nabadgelyadda ilaaliyaan, xuduudaha Somaliland waa la sugayaa, ciidamadda Qarankuna waajibaadkooda ayay gudanayaan” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigu.

 





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com