Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Somaliland Oo Maanta Lagu Dhawaaqayo Iyo Arday Mucjiso ah oo kamida ardayda sannadkan

0
Tuesday September 01, 2015 - 12:19:32 in by salman abdi
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Somaliland Oo Maanta Lagu Dhawaaqayo Iyo Arday Mucjiso ah oo kamida ardayda sannadkan

    Xafiiska Imtixaanaadka qaranka Somaliland ayaa Salaasada maanta ku dhawaaqaya Natiijada Imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska Imtixaanaadka qaranka Somaliland ayaa Salaasada maanta ku dhawaaqaya Natiijada Imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee ...

fasallada 8-aad ee dugsiyada hoose/dhexe iyo Fasallada 4-aad ee dugsiyada sare ee 2015-2016.

Sidaana waxa shaaciyey Agaasimaha Maamulka ee Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland, Cabdifataax Sheekh Nuux.

 

Qoraal kooban oo uu xalay ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook ayuu ku yidhi sidan "Haddii Alle yidhaahdo Bari oo Salaasa ah (Maanta), taariikhduna tahay 01.09.2015 , abaaro 9:00 subaxnimo, waxaanu si toosa ugu dhawaaqi doonaa natiijadii imtixaanaadka Fasallada 8aad hoose/Dhexe Iyo Dugsiyada sare, form 4 , gudidii madaxa banaanayd maanta (shalay) ayay Ka fadhiisteen, ku dhawaad 24,000 oo arday ayaa natiijadooda aanu shaacin doonaa bari (Maanta), guul Iyo gobonimo ayaan u rajaynayaa ardayda, waanan hambalyaynayaa shaqaalaha wasaaradda, gaar ahaana Xafiiska imtixaanadka qaranka oo hawl culus qarankan u haya, caddaalad Iyo daacadnimadana ku hal maalay, ahna muraayadda wasaaradda waxbarashada Iyo guud ahaanba qarankan Somaliland…”

Agaasimaha Maamulka iyo lacagta ee Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in sanadkan ardayda ka qallin-jabinaysa fasalka afraad ee dugsiga sare uu ku jiro arday 70 jir ah "Ardaygii ugu da’da waynaa Somaliland abid oo da’diisu tahay 70 jir ayaa doorkan Ka baxaya fasalka 4-aad (Dugsiga sare), wuxuu ahaa waashmaan ( ilaaliye) dugsi waa arin xusid mudan..”ayuu yidhi, Agaasime Cabdifataax Sheekh Nuux (Suldaanka).