Wasiirka Boosaha Iyo isgaadhsiinta Somaliland Oo Shirkada Isgaadhsiinta Uga Digay Isticmaalka Xeerka Somaliya Madaxweynahana ku ammanay Sida uu Mucarad iyo Muxafad ba uga qaybgeliyey talada dalka

0
Tuesday September 01, 2015 - 15:57:56 in by salman abdi
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Boosaha Iyo isgaadhsiinta Somaliland Oo Shirkada Isgaadhsiinta Uga Digay Isticmaalka Xeerka Somaliya Madaxweynahana ku ammanay Sida uu Mucarad iyo Muxafad ba uga qaybgeliyey talada dalka

    Wasiirka Wasaarada Boosta iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal ayaa aad u ammanay madaxweynaha somaliland isagoo sheegay inaanu Ka mid Ahayn dadkii u codeeyay xisbiga Kulmiye,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaarada Boosta iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal ayaa aad u ammanay madaxweynaha somaliland isagoo sheegay inaanu Ka mid Ahayn dadkii u codeeyay xisbiga Kulmiye,

Balse ka mid ahaa dadkii ka Soo horjeeday ee Diidanaana inuu xilka qabto Madaxwayne Siilaanyo,Mabda’iisa Siyaasadeena aanu aaminsanayn.

waxa uu Sidoo kale sheegay inuu Madaxwaynahu ka dhabeeyay cidii dooratay iyo kuwii aan dooranba inuu madaxwayne u yahay Xilna u dhiibay,Balse waxa uu hal xidhaale galiyay  Marka ay Labada Xisbi Mucaarad Talada dalka qabtaan in Cidii ka Soo horjeeday Xilal u magacabaan iyo in Ay Jeelasha ku Guraan waxaana uu yidhi. "Waxaan odhan lahaa Madaxwaynaha somaliland waa Madaxwaynaha Qaranka Anigu Maan Dooran,waliba waan ka ololeeyay inaanu halkan iman Xilkan uu maanta hayana uuna Qaban,maanta waxaan u ahayn Wasiir inaan halkan ahaadana waan ka qab waynaa,ninka qajilsan oo adeer ka warwaraya mayihi,madaxwaynaha waxa doortay kulmiye,Aqlabiyadana waxa siiyay reer kulmiye,lakiin waxa ay u doorteen madaxwaynaha qaranka,Dawlad kulmiye layidhaahna majirto”. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi "Madaxwaynahu markii xilka loo dhiibay waxa uu afkiisa kaga dhawaaqay cidii dooratay iyo ka aan dooranba madaxwayne ayaan u ahay,waana uu fuliyoo aniga ayaa ka mid ah maanta inaan xilka hayo,inkastoo kaftana ha iga ahaatee kulmiye aanay wax badani igaga jirin Aakhirkiina aan ka tagay maan Dooran Anigu. Sidoo kalana waxa uu suaal galiyay dariiqa ay marayaan masuuliyiinta maanta mucaaridka ahi markay xilka qabtaan waxaanu yidhi "waxa aynu sugaynaa nimanka Mucaaradka ah marka ay xilka dalka qabtaan,cid ka soo horjeeda in ay rafaan, in ay jeelal ku guraan in ay ka qadaan Somalilandnimada markaas ayaynu sugaynaa Lakiin Axmed Siilaanyo cidii ka soo horjeeday iyo Cidii Tageersanaydba Xilii ayuu u dhiibay,Lakiin wasiir walba waxa lagu qiimayn Doonaa waxa uu qabtay. Docda kale waxa uu wasiirku ka hadlay tabashada xildhibaanada gobolada Awdal & salal ay ka qabaan xeerka doorashooyinka iyo saamiqaybsiga golaha wakiilada waxaanu yidhi "Xilka qaranka ayaan anigu hayaa,Lakiin wixii awdal tabanaysay Xildhibaanada ayaa u hadlay,ana waxaan ka mid ahay dadka ay masuulka u yihiin marka ay gaadho hawlahaas,ana waxaan ku fadhiyaa digreeto madaxwayne,lakiin codkii dadka nimankaas aay ku fadhiya haday wax tabanayaan iyo haday wax saxayaan waa kuwii loo doortay adeer,wax waliba wixii ay qabtaan ee la gudboon waan ku raacsanay,anigu waxaan ahay shicibkooda, oo raga golaha wakiilada fadhiyaa waxaan ahay shicibkooda”.ayuu yidhi wasiirka boosaha & isgaadhsiista  JSL.

Dhinaca Kale Wasiirka boosaha iyo is gaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, Waxa uu shirkadaha isgaadhsiinta ee Somaliland ka shaqeeya uga digay inay wax talo ah ku yeeshaan xeer baarlamanka Somaliya uu u samaynaayo isgaadhsiintiisa.

Waxa uu wasiir Abgaal sheegay in Somaliland xeerkeeda isgaadhsiintu uu dhamaystiran yahay waxaanu ku waaniyay madaxda Somaliya inay dadkooda u shaqeeyaan Somalilandna iska ilaawaan, sida oo kale waxa uu ugu goodiyay shirkada xeerkaas ka qaybqaadata ama amaro uu leeyahay fulisa inay u fasixi doonaan inay dalka ka baxdo.Wasiir Abgaal waxa uu sidan ku sheegay maanta isaga oo warbaahinta kula hadlaayay xafiiskiisa

"Waxa i horyaala xeerkii isgaadhsiinta Somaliland oo 2010-kii uu golaha wakiilada Somaliland ansixiyay oo dhaqangal ah oo aanu ku shaqayno oo isgaadhsiinta Somalilandna lagu maamulo waxii maalintii la ansaxiyay ka danbeeyay. maanta waxa lagu wadwadaa Xamar xeer kale oo inta inaga qusaysa ay tahay furaha Somaliland iyo Somaliyaba ka dhaxeeya sidaas darteed waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo inaan xeer leenahay oo aynu dawladnimadiiba ku kala tagnay. waxa halkan maanta ka taagan tii hore uga taagnayd wasaarada duulista, waxaan cadaynayaa in aanu xeerkaasi na qusayn hadii wanaaga la waayana waxayagu anaga waa noo diyaar oo waanu ku shaqaysanaa, waxaanu leenahay walaaladayo dadkiina u shaqeeya taayadu idimaqusaysee.”ayuu yidhi wasiir Abgaal

wasiirku isaga oo shirkadaha u digaayay ayaa waxa uu sheegay

"Waxaanu u sheegaynaa shirkadaha isgaadhsiinta ee wada shaqaynta iyo xeerkaasiba naga dhaxeeyo in aanu xeerka Muqdisho khusayn, kalamahadi lakartaan, talo kuma darsan kartaan lama xidhiidhi kartaan, amaro aad ka qaadataan iska daayo, aynu ku wada shaqayno kalsoonideena, cidii daydaynimado ka muuqatana waanu u fasaxaynaa dhankaas hayskaga noqdaane.”ayuu yidhi wasiirka isgaadhsiinta Somaliland