Maraykanka Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Booqashada Madaxweynaha Sudan Ee Dalka Shiinaha.

0
Tuesday September 01, 2015 - 19:40:04 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Booqashada Madaxweynaha Sudan Ee Dalka Shiinaha.

    Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay booqashada la filayo in Madaxweynaha Sudan uu ku tago dalka Shiinaha, xilli Maxkamadda Caalamiga ay u jartay ruqsad lagu soo xirayo, kadib markii lagu soo oogay dacwad la xiriirto dambiyo dagaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay booqashada la filayo in Madaxweynaha Sudan uu ku tago dalka Shiinaha, xilli Maxkamadda Caalamiga ay u jartay ruqsad lagu soo xirayo, kadib markii lagu soo oogay dacwad la xiriirto dambiyo dagaal.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan ayaa sheegtay in Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir u safri doono Shiinaha, si uu ula kulmo dhigiisa Xi Jinping, waxaana uu ka qeyb galayaa maalinta 3-da September dabaal dega markii looga guuleystay Japan dagaalkii labaad ee Adduunka.

Al-Bashiir ayaa tagay Shiinaha sanadkii 2011, iyadoo dowladda Shiinaha ay daneyso saliida ay soo saarto Sudan, loona dhoofiyo dalkaas

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibada Mareykanka Mark Toner oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Washington ayaa sheegay in Mareykanka ay rumeysan yihiin in Madaxweyne Al-Bashiir aan la soo dhoweyn safaradiisa illaa uu cadaaladda ka wajahayo.

"Sida aad ogtihiin waxaa soo eedeysay Maxkamadda ICC, wuxuu galay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo xasuuq”ayuu yiri Mark Toner.

"Ruqsada lagu soo xirayo wali way taagan tahay, anagana waxaa si xoogan u taageereynaa dadaalka Maxkamadda ICC ee lagula xisaabtamayo dhamaan kuwa ka mas’uulka ah ficiladaas, waxaa ka soo horjeednaa fududeynta ama taageerida safarka dadka dambiyada ka yaala Maxkamadda ICC

Maxkamadda dambiyada Caalamiga ah ayaa Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir ku soo oogtay dambiyo dagaal oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sanadkii 2009-kii, isagoo lagu eedeeyay inuu xasuuq ka geystay Gobolka Darfur.

Al-Bashiir ayaa tan iyo markii loo jaray ruqsada lagu soo xirayo waxaa uu u safray dalal badan oo kuwa deriska la ah ka mid ah, iyadoo ay yareyd safarada uu ku tagayay wadamada fog, waxaana bishii June ay aheyd markii uu tagay dalka Koofur Afrika oo xubin ka ah Maxkamadda ICC, iyadoo go’aan Maxkamad ku taal dalkaas gaartay oo ahaa in aanu dalka ka bixi karin uu noqday mid aan guuleysan, kadib markii Madaxweyne Al-Bashiir uu si nabad uga soo ambabaxay Koofur Afrika oo uu uga qeyb galay shir madaxeedkii Midowga Afrika.

Contact@afkashacabka.com