Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE oo isku shaandhayntii ugu Ballaadhnayd ku sameeyey Guddomiyashi xisbiga ee Gobolada Dalka, Qaar xilalki ka caydhiyey qaar cusubna magacabay

0
Wednesday September 02, 2015 - 08:17:25 in by salman abdi
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE oo isku shaandhayntii ugu Ballaadhnayd ku sameeyey Guddomiyashi xisbiga ee Gobolada Dalka, Qaar xilalki ka caydhiyey qaar cusubna magacabay

    Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay xilal cusub oo ay ku jiraan qaar ka mid ah guddoomiyayaasha gobollada iyo xubno ku soo kordhay madaxda xarunta dhexe ee xisbiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay xilal cusub oo ay ku jiraan qaar ka mid ah guddoomiyayaasha gobollada iyo xubno ku soo kordhay madaxda xarunta dhexe ee xisbiga.


Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa wareegto uu soo saaray shalay waxa uu ku magacaabay guddoomiyayaash KULMIYE ee shan ka mid ah gobollada dalka, halka laba masuul oo kale loo kala dhiibay warbaahinta iyo xidhiidhiyaha gobollada ee xisbiga.

War-saxaafadeed oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha KULMIYE oo lagu baahiyey magacaabistaasi, waxa uu u dhignaa sidan;

"Ku: Amiin Muuse Xirsi Gabiley

Ku: Xasan Cabdillaahi Xirsi Burco

 

Ku: Axmed Ismaaciil Jaamac Borama

Ku: Maxamed Cawad Faarax Ceerigaabo

Ku: Axmed Maxamed Daadey Laascaanood

Ku: Saalax Muxumed Idiris xarunta dhexe ee xisbiga

Ku: Cali Jaamac Maxamed Xarunta dhexe ee xisbiga

Og: Sahal Aadan Maxamed Burco

Og: Muuse Carab Dugsiiye Awdal

 

Ujeeddo: Magacaabid xilal

Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 01/09/2015, waxa loo magacaabay xubnaha hoos ku qoran mid walba xilka ku hor qoran.

1. Amiin Muuse Xirsi - Guddoomiyaha Gobolka Gabiley

2. Xasan Cabdillaahi Xirsi - Guddoomiyaha Gobolka Togdheer

3. Axmed Ismaaciil Jaamac - Guddoomiyaha Gobolka Awdal

4. Maxamed Cawad Faarax - Guddoomiyaha Gobolka Sanaag

5. Axmed Maxamed Daadey - Guddoomiyaha Gobolka Sool

6. Cabdillaahi Maxamuud Guray - Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Sool

7. Jaamac Dheeg Cartan - Xoghayaha Gobolka Sool

8. Saalax Muxumed Idiris (Shiine) - Xidhiidhiyaha (Co-ordinator) Gobollada iyo xarunta Dhexe ee xisbiga KULMIYE

9. Cali Jaamac Maxamed - Madaxa warbaahinta (media) ee xarunta xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyayaashii horena waxa looga mahadcelinayaa sidii wanagsanayd ee ay noola soo shaqeeyeen, iyaga oo soo gali doona xarunta dhexe ee xisbiga.”