Marka hore Illahay ayaa mahad leh ii surtagaliyey in an qoro maqalkan.
Guurku wuxu asaas u yahay bilowga qoys ,guurku wuxu ka bilama lamane is fahmay oo donaaya in ay nolosha wadagaan iyga oo marya dariiqi tosana ee diintena Islamaka iyo Sunihi Rasuulkena (salalahu calayhi waa salam)
Bal an wax ka milicsano guurki hore ee somalidu dhaqanka uu lahayd waxana ka mid ah.
1. Guurka tooska ah
2. Boob
3. dumaal
4. heerin
5. Colaad reb
6. Dhabar garac
7. xigsiisin
Guurka tooska ah.
1. Guurka Heshiiska ah waa marka wiilka iyo gabadha soo heshiiyaan si toos ah ama
is arag oo cidu u dhaxeyso , marka kaddib, waxa iska soo hor fadhiista odayaasha labada dhinac,oo ka wada hadla wixii labada beelod xeer u lahaayeen ,dhunaaca guurka waxayna ka wada hadalaan meherka inaanta iyo yaraadka badana a gabadha lagu sarjaro yaradkii hooyadeed laga bixiyey, wuuse ka badanaan karaa ama ka yaraan karaa.
GUURKA BOOBKA AH, wuxu u qaybsama laba qaybod .
1. La tagis
2. Dhabar garaac
1. Guurka la tagis , waxay ahayd in wiilka intuu gabadha si qarsoodi ah ula heshiiyo uudabadeena latago reerkoodii, markuu reerkooda la tago ayaa loo mashxaradi jirey,oo la soo dhaweyn jirey , inaantii oo ku sugan reeerkoodii ayaa loo tagi jirey reerkii ay gabadhu ka dhalatay, is loogu hibeeyo xoolo, oo ogolaansho laga helo waalikeeda loona meheriyo.
2. Dhabar garac guurka noocan aya ah sida tan:
Marmarka qaar, waxaa dhici jirtay in wiilku xoog ku ka xeysto gabadha lafteeda iyo reerkooda midna ogolaansho ka haysan oo khasab ku gursado,Guurka noocaan ah ,wuxuu ka soo horjeeda shaareecada Islaamka ah, haddana wuxuu ahaa mid ka dhaca bulshada dhexdeeda inkatoo aanu ku badneyn.
G uurkaan wuxuu badana dhici jirey marka laba nin isku heystaan gabadha o o mid kastaa uu doonayo in uu isaagu guursado, lama tixgelin jirin ikhtiyaarka iyo doonista gabadha ee wuxuu ahaa mid xoog ku fadhiya oo midkii u soo hooreeya ku dhici jirey gabadha , maramrka qaaarna ,waxaa nin kii ka xaystay maahe ku kale ka daba yimaado oo xoogo, G uurka noocaan ah , waxaa ka dhalan jirey colaado iyo naceyb beelaha dhex mara.
GUURKA DANI KU BADAY AYA AHA Sida TAN.
Guurka nooca ah ee xigsiisanka ,wuxuu ahaa mid duruufi keento, oo ah marka ninku ooridiinka geeriyooto ayaa waalaasheed la siin jirey , ujeedada ugu weyn ee laga lahaa, waxay ahayd in aan caruurta dayacmin oo habar yartood la noolaadan halkii gabadh kale oo ninku soo guursado ay ka hayn lahayd.
DUMAL.
Dumaashu iyan waxay ahayd dhinaca kale markuu ninku dhinto ,
waxa ooridiisa ama xaas kiisa guursan jiray walaalkii ama inaa deerkii,
tanina waxa ay ahydmid iyana
dhaqanku qas bayay oo aan laga hor iman Karin sababta ugu way nee
laga lahaan jiray waxa ay ahayd dan ta caruurta , hadii la dumaali waayo,
waxa dhacaysay in gabahu nin kale guur sado oo caruurtiii halkaa ku dayac maan .
HEERIN.
Hablaha ayaa qaar kamid ahi marks ay gadhan dada guurka ayay
Inaantu heermi jirtay,,intay guurigooda ka heerinto ayaa waxay uu tagi jirtay
Reer ay soo sahamisay oo guriga inamo guurdooni uu joogaan…….markay guriga soo gasho ayay isslaaanta reerka usheegi yirtay inay herein tahay islaantuna waxay usheegi jirtay odayga reerka
Kadibna odaygu inamadiisa ayuu inaantaa wiil ku dari jiray loogna aroosi jiray.
GODOB REEB.
Guurka godob reeb waaa marka ay laba reer colaaadi dhex marto oo la is
Laayo kadibna laga heshiiyo colaadaa ayaa waxa laga bixin jjiray hablo godob reeba ah.
Guurka manta.
Guur ka manta oo gabihaan ba ka duwan kii hore waxad aad aarkeysaa cadooyin aan hore loo araki jirin taas oo ay ka midta ahay maher xadka iyo uurka aan sharciga waa faqasaneyn iyaada oo aad mood inay dhaqamada shishiye samayn ku yeeshen dhaqankeenii soomaliyeed waxa kasta oo ay somalidu ceebsan jirtey dhaqan ahaan iyo diin ahaanba ayaa hada noqdey wax lagu faano oo lacadeysqdeytay.
GUURKA manta waxa uu noqdey midku soo kobmey ku arkey oo ku cashaqay waayo waxad arkeysaa wiil iyo gabadh manta is bartey oo ku odhanaayaa waan is jecel ney oo waliba ku racinaaya waxaan doynaa in aan is guursano dhawaan marka ay is guursadan waxa imanaya in ay is fahmi waayan oo uu yimaado burbur qoys waayo markii hore ayey isku guursaden fiirsashso la.aan.
Wakhtigii hore dhaqanka somalida furniinku aad ayuu uga ceeb ahaa halka maantana lagu faanayo ee uu wiil ku isaga oo aan wax ka fiirsan uu odhanaayo waxaad iga tahay sadexdii oo ay gabadhu na ugu jawaabeyso raxmdi furan imika waxaad arkeysaa gabadh jirta 18 sano ay soo fureen 4 nin beriigi hore gabadha la furo waa lala yaabi jirey oo waxay ahayd ariin lala yabo.
Guurku waa bar bilawga qoys wanaagsan
Hadi anay ilalino guurka waxa aynu ilalainay bulshada qayb ka mid ah
Bulshuda waa qoysas isku tagay
Hadaba Casriinimadu waxay ahayd in ay ino horseedo horumar balse may aheyn iney inoo horseedo burbur qos iyo dib u dhac dhanka dhaqan ah.
Akhariste waan soo dhawayanaya fikirkaga,
W/Q: SamSam Ismacil Cabdi
Facebook/SamSam dagan
Guurkii Hore Iyo Guurka Maanta. W/Q SamSam Ismacil Cabdi
Marka hore Illahay ayaa mahad leh ii surtagaliyey in an qoro maqalkan.