Iskaashatada Hiliblayaasha Caasimadda Hargeysa oo Mudaharaad Shaqo joojin ah Dhigay, Dhowr iyo labaatan Qof oo laga Xidhay iyo Hargeysa oo Hilib laga Waayey

0
Wednesday September 02, 2015 - 10:01:50 in by salman abdi
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iskaashatada Hiliblayaasha Caasimadda Hargeysa oo Mudaharaad Shaqo joojin ah Dhigay, Dhowr iyo labaatan Qof oo laga Xidhay iyo Hargeysa oo Hilib laga Waayey

    Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa maanta laga waayey Hilibka xoolaha, taasina waxay ku noqotey Layaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa maanta laga waayey Hilibka xoolaha, taasina waxay ku noqotey Layaab.


Hilib la’aanta Hargeysa ka dhacday ayaa waxay ka dambeysay kadib markii shaqo joojin ay sameeyeen iskaashatada hiliblayaasha ee Nafaqo, iyagoo ka cabanaya lacago dheeraad ah oo lagu kordhiyay kawaanka xoolaha lagu qalo oo ay maamusho shirkad la yidhaahdo Maandeeq.

Booliska ayaa xidhay 24 qof oo ka mid ah Iskaashatada hiliblayaasha ee Nafaqo, kuwaasi oo ka mid yihiin Guddoomiyaha Nafaqo iyo Xoghayaha ururkaasi.