Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Ogolaatay In Dalkeeda Lagu Galo Baasaaboorka Somaliland

0
Wednesday September 02, 2015 - 14:42:57 in by salman abdi
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Ogolaatay In Dalkeeda Lagu Galo Baasaaboorka Somaliland

    Dawladda Imaraadka Carabta ayaa aqbashay in dalkeeda lagu gali karo Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena waxay ogolaatay inay Fiisayaasha dalku galka saarto Baasaboorka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Imaraadka Carabta ayaa aqbashay in dalkeeda lagu gali karo Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena waxay ogolaatay inay Fiisayaasha dalku galka saarto Baasaboorka Somaliland.


Warar xog-ogaal ah oo WargeyskaSomalilandtoday helay waxay dawladda Imaraadka Carabtu bilaabeysaa Fiisaynta Baasaboorka Somaliland waxaanu mari doonaa marka horeSaddex marxaladood, waxaana lagu bilaabi doona nooca loogu tallo galay diblumaasiyiinta, sidoo kale ganacsata ayaa iyana loo fiisayn doona Baasaboorka Somaliland.

Talaabada Saddexaad ayaa ah in si dhamaystiran guud ahaan Baasaboorka Somaliland loo saari doono fiisaha dalka ee Imaaraadka Carabta.

Arrintan waxaa ka wada shaqeeyay Dawladda Imaraadka Carabta iyo Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai oo toddobaadkii afar duulimaad ku timaadda Caasimadda Hargaysa. Arrintani waxay sumcad weyn u tahay siyaasiyan waddanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawladda Imaraadka Carabta ayaa hore ugu dhawaaqday in aan dalkeeda lagu soo gali karin fiisana aanay saarayn Baasaboorka dalka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen in aanay gacanta ku haynin dawlad la aamini karo, laakiin talaabada dawladda Imaaraadka Carabtu ku ogolaatay in dalkeeda lagu gelo Baasaaboorka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxwaynaha Somaliland uu Safiir u Magacaabay Imaaraadka Carabta.

xigasho: somalilantoday