Hay'adda Caalamiga ah ee UNFPA oo Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland u Magacawday Wakiilka ololaha CARMMA ee Jamhuuriyada Somaliland

0
Wednesday September 02, 2015 - 15:02:08 in by salman abdi
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Caalamiga ah ee UNFPA oo Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland u Magacawday Wakiilka ololaha CARMMA ee Jamhuuriyada Somaliland

    Jamhuuriyada Somaliland ayaa kaalinteeda kaga biirtay daah-furka Ololaha CARMMA ee ujeedadiisu tahay hoos-u-dhigga dhimashada hooyada ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamhuuriyada Somaliland ayaa kaalinteeda kaga biirtay daah-furka Ololaha CARMMA ee ujeedadiisu tahay hoos-u-dhigga dhimashada hooyada ee

 xilliga carruurta yaryar iyo guud ahaan tayeeynta caafimaadka hooyada iyo dhalaanka si loo dar-dar loo geliyo ololaha oo wax lagaga bedelaayo dhimashada hooyada iyo dhalaanka oo war-bixinteedu sheegayso mudadii 2011-kii ilaa 2013-kii in lagu qiyaasay 100.000 oo dhalasho ay geeryoodaan 850 ka mid ahi (WHO UNFPA and UNICEF).

 

 

 

Ololahan CARMMA ayaa ah mid ay isku bahaysteen wadamada Afrika si dar-dar loo geliyo hoos-u-dhiga dhimashada hooyada xaamilada ah ama tan dhashay iyo carruurta yaryar oo markaa lagu wado in hoos loo dhigo boqolkiiba shan iyo toddobaatan sanadka 2015 iyadoo markaa la waafaqsiinaayo rajadan ta hiigsiga loo yaqaan Millennium Development goal 4 iyo 5.

Ololaha CARMMA waxa si rasmi ah loo daah furay 7dii bishii may ee sanadkii 2009 iyadoo lagu daah furay kulankii afraad ee wasiirada caafimaadka uga furmay shirkii isu taga waddamada afrika (AU) uga qabsoomay magaalada Addis-ababa.

Ujeeddada kulankaasi lagu daah furay ololaha CARMMA ayaa ahaa mid lagu hirgelinaayo qorshihii ma Maputo ee dhaqan gelinta hoos u dhigida dhimashada hooyada iyo dhalaanka reer Afrika. qorshahan oo ahaa mid ay ansixiyeen wasiirrada caafimaadka dalalka Afrika ee kulankoodu ka qabsoomay dalka Mozambique bishii September ee sanadkii 2006.

19 kii bishii September ee sanadkii 2014kii ayaa huteelka maansoor lagu soo bandhigay ololaha CARMMA iyo kaalinta ay jamhuuriyadda Somaliland ka qaadanayso waxaana wakhtigaasi ka soo qaybgaleen in ka badan 500 oo qof kana socday dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

 

 

marwo-aamina-waris1

Waxaa marti-sharaf ka ahayd bandhigaas ama daah furkaasi marwada koowaad ee jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, marwada ayaa markaasi khudbadeedii ku muujisay kaalinta ay xukuumaddu ka qaadanayso ololahan iyo sida ay uga dhab tahay inay ololahan ka midho dhaliyaan.

Ololaha CARRMA ayaa xooga saaraya afartan qodob

1. Xoojinta hawlaha joogtada ah ee lagu tayeynayo daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhalaanka Somaliland

2. Soo saarista iyo isticmaalka warbixinta caafimaadka guud, da’yarta, hooyada, dhalaanka yaryar, iyo caruurta oo markaa fiiro gaara la siinayo, dhimashada hooyada xaamilada ah/dhalaysa iyo dhalaanka yar yar, caafimaadka iyo xuquuqda da’yarta, la dagaalanka tacadiyada sababi kara caafimaad daro.

3. u ololaynta taageerada daryeelka caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka yaryar oo laga dhex ololaynayo daneeyayaasha sida xukuumadda tiiyoo la dareensiinayo in qof kastaa door ku leeyahay inuu buuxiyo daryeelka caafimaadka iyo hoos-u-dhiga dhimashada hooyada iyo dhalaanka yaryar

4. dardar gelinta hawlaha hoos lagu dhigaayo dhimashada hooyada xaamilada ah ama dhashay iyo dhalaanka yaryar iyo carruurta.

Wakiilka ololaha CARMMA ee Jamhuuriyada Somaliland Marwada koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa UNFPA u xilsaartay wakiilnimada ololaha CARMMA ee Somaliland.

Ololahan waxa gadhwadeen ama wakiilo ka noqday haweenka door ka mudan kagana jira bulshooyinkooda sida marwooyinka koowaad ama haweenka wasiirrada ah.

Marwada ayaa doorka ay ku leedahay ololahani yahay mid dhiirigelinaaya dhinaca siyaasadda xukuumadda ee arrimaha hooyada iyo dhalaanka, dhinaca xeerka iyo xuquuqda hooyada iyo dhalaanka, iyo gebi ahaanba tayeynta iyo daryeelka arrimaha haweenka iyo carruurta.