Dugsi Ethiopian ah Oo Markii Ugu Horaysay Laga Furay Magalada Boorama Ee Gobolka Awdal

0
Thursday September 03, 2015 - 21:55:43 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dugsi Ethiopian ah Oo Markii Ugu Horaysay Laga Furay Magalada Boorama Ee Gobolka Awdal

    Waxa magaalada Boorama lagu daahfuray dugsi Ethiopian ah oo la magac baxay EAST AFRICA STAR, kaasi oo noqonaya dugsigii ugu horeeyay ee Jaaliyadeed ee laga furo dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa magaalada Boorama lagu daahfuray dugsi Ethiopian ah oo la magac baxay EAST AFRICA STAR, kaasi oo noqonaya dugsigii ugu horeeyay ee Jaaliyadeed ee laga furo dalka.

Munaasabada daahfurka dugsigan EAST AFRICA STAR ayaa waxa goobjoog ka ahaa Wasiir ku Xigeenka W/Waxbarashada, Maamulka Gobolka Awdal, Kan dagmada Boorama, Madaxda Jaaliyada Ethiopia eek u dhaqan gobolka Awdal, Salaadiin, cuqaal, waxgarad, Jaaliyada Ethiopia eek u nool Boorama iyo dadwayne aad u tiro badan.

Madashan ayaa waxa ka hadalka iska daba qaatay Maamulka iyo mil;kiilayaasha dugsigan EAST AFRICA STAR , waxana ay carab dhabeen in dugsiga iyo Ujeedadii loo aasaasay waxana uu Maamule Mukhtaar X. Muxumed Faarax oo ah maamulaha Dugsigu uu yidhi " Dugsigan EAST AFRICA STAR ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee laga furo dalka oo ah dugsi ka sharciyay san dalka Ethiopia iyo dalkan Somaliland-ba, Manhajka dugsigu waxa uu noqonayaa manhajka Ethiopian-ka ah, oo uu ku ladhan yahay manhajka Somaliland iyo kan Islaamiga ah ee aan dhaqanka u leenahay, dugsigu waxa uu ka koobnaan doonaa min KG-(Xadaanad) Ilaa dugsi sare, waxana mar hadii uu manhajkiisu yahay mid Ethiopian ah aan meesha ka maqnayn in uu bixin doono Shahaado Ethiopian ah oo uu qofka dugsigan ka baxaa si toos ah wax uga baran karo gabi ahaanba dalka Ethiopia, dabcan dugsiga waxa wax ka dhigi doona macalimiin aan ku soo xulanay karti iyo aqoon hufan oo waayo aragnimo qoto dheer u leh wax dhigista, waxana ay dhamaantood ahaystaan shahaadooyin sare, intaasi waxa dheer in dugsigu uu bilaabmi doono manta oo aan daahfurayno waxa ka dambeeyay, waxana aan rajaynaynaa in uu bulshada wax wayn ku soo kordhiyo”

 

Dhinaciisa ayaa isaguna Md. Cumar Xasan Khayre oo ka mid ah milkiilayaasha dugsigan uu hadalka qaatay waxana uu yidhi " Dugsigan Waa midkii ugu horeeyay ee Jaaliyadeed ee laga furo dalka, taas oo ay Boorama noqotay meeshii ugu horaysay ee aan ka furno, waxana noo qorshaysan in aan mustaqbalka ka furno xarumo kale magaalooyinka kale ee dalka Somaliland. Dugsigan EAST AFRICA STAR la tayo yahay dugsiyada kale ee dalka Ethiopia ku yaala, waxana ay dulucdiisu yahay in la siiyo fursad Jaaliyada Ethiopia ee ku dhaqan Somaliland oo aad u tiro badan, iyo sidoo kale dadka kale eek u dhaqan gobolka Awdal oo iyagu ah kuwo xidhiidh gaar ah oo sokeeye la leh dalka Ethiopia, fursada uu siinayo dugsigana waxa ay tahay in uu soo saaro arday Tayo leh oo luqada Amxaariga iyo Luqadaha kale ee Ingiriisugu ugu mudan yahay si wanaagsan ugu hadlaya, isla markaana qiyamkooda akhlaaqiyeed iyo kooga damiir ahaaneedba dhisan yahay oo gudbin kara fariimaha muhiimka ah ee dhinaca bulshada iyo dhinaca wax barashadaba, sidaas darted, waxa aan manta dareen sanahay in dugsigan EAST AFRICA STAR ee la furay uu yahay dugsi lagu wada faraxsan yahay, waxana lagama maar maan ah si guul ay u noqto midhahiisu in iyada oo gacmaha la is wada haysto la taageero dugsiga, qofwalbana uu masuuuliyadiisa ka soo baxo, Insha’allahna dugsigu uu noqon doono mid dalka iyo dadkaba anfaca.

Gudoomiyaha Jaaliyada Ethiopia ee Somaliland Md. Axmed Nuux Jaamac (Deero) oo isaguna hadalka qaatay ayaa soo dhaweeyay dugsigan waxana uu yidhi " Aad ayaan ugu faraxsanahay dugsigan hadii aan nahay Jaaliyada Ethiopianka ah eek u dhaqan Somaliland gaar ahaan Awdal, dugsigani waa mid aan mudo dheer ku taamaynay, waxana uu noqon doonaa dugsi ay Caruurtayada iyo Eheladayaduba wax ka barato, waxana aan aad ugu mahadnaqayaa dhalinta isku hawshay ee dugsigan EAST AFRICA STAR ka furtay Boorama.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Sheekh Cilmi Naxwe, Xil. Rooble Xoosh iyo madax ka socotay Jaamacadaha Camuud iyo Eelo oo iyaguna hadalka iska daba qaatay ayaa soo dhaweeyay dugsigan EAST AFRICA STAR, waxana ay sheegeen in loo baahan yahay dugsi noociisa ah oo kale, waxana ay ugu baaqeen in laga faaiisaysto, mar hadii dalka Ethiopia uu yahay dal aan jaar nahay oo aan isdhexgal leenahay loona baahan yahay in dhaqankiisa iyo Luqadiisaba aan barano, sidoo kale waxa ay Maamulka iyo macalimiinta dugsigana kula dardaarmeen in tayada waxbarashada la hagaajiyo.

Maayar Ku Xigeenka Boorama Md. Cumar Ileeye, Xoghaya Gobolka Awdal Asad cabdi Jaamac, Lataliyaha Arimaha Dibada ee M/Ku Xigeenka, Xildhibaano Golaha Wakiilada ah iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin oo iyaguna hadalka iska daba qaatay ayaa waxa ay soo dhaweeyeen dugsigan EAST AFRICA STAR, waxana uu Wasiir ku xigeenka W/Waxbarashadu si gaar ah u carab dhabay in uu dugsigani yahay mid ay ruqsad siisay Wasaarada Waxbarashadu isla markaana laga furay meeshii ku haboonayd, mar hadii ay Boorama tahay Magaalada ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka Jaaliyada Ethiopia ah eek u dhaqan Somaliland, waxana ay wada jir u hambalyeeyeen dugsiga iyaga oo dadwaynaha ugu baaqay in laga faa’iidaysto culuunta uu bixinayo dugsigan EAST AFRICA STAR.




Contact@afkashacabka.com