Maydadka Tobaneeyo Askari Oo Kamida Ciidamada Uganda Oo Laga Dhoofiyay Madaarka Muqdisho.

0
Thursday September 03, 2015 - 22:17:21 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maydadka Tobaneeyo Askari Oo Kamida Ciidamada Uganda Oo Laga Dhoofiyay Madaarka Muqdisho.

    Meydadka toban askari oo ka tirsan Ciidamada Uganda ee AMISOM oo lagu dilay weerarkii Janaale ayaa laga duuliyey magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meydadka toban askari oo ka tirsan Ciidamada Uganda ee AMISOM oo lagu dilay weerarkii Janaale ayaa laga duuliyey magaalada Muqdisho.


Meydadka ayaa la filaya in la geeyo dalka Uganda halkaas oo lagu wareejin doono qoysaskooda si aas ugu sameeyaan, waxaa warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeen ka tirsan Ciidanka Uganda.

Waxaa ilaa iyo hadda si rasmi ah loo ogeyn tirada saxda askarta Uganda ee ku dhintey weerarkii al-Shabaab ku qaadeen saldhigga ku lahaayeen degmada Janaale.
 

Diblomaasiyin reer galbeed ah ayaa laga soo xigtay in ay ku dhinteen weerarka 50 askari iyadoo la la’ayahay ku dhowaad 100-kale oo baadi goobkooda shalay uu ka socday aagaa Janaale.
AMISOM iyo taliska Ciidanka Uganda ayaa ka gaabsaday markii wax laga waydiiyey tirada ciidanka ku dhintey weerarka.
Muqdisho waxaa shalay safar deg deg ah kusoo gaadhey Taliyaha guud ee Ciidamada Uganda Jeneraal Katumba Wamala 




Contact@afkashacabka.com