Xildhibaan Waabeeye Oo Difaacay Heshiiska Ay Xukuumaddu Ku Wareejinayso Haamaha Shidaalka
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, ayaa ka hadlay Mooshinkii wareejinta Haamaha
Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, ayaa sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya inuu Madaxweynuhu ka tanaasulayo Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay in warkaasi yahay waxba kama jiraan, oo ilaa hadda Madaxweynaha afkiisa laga hayn, ayaa ka hadlay "Marka laga hadlayo arimaha maalgashiga waxa weeyaan Haamaha oo Dawladdu leedahay, xaq bay u leedahay inay ku wareejiso Shirkado gaar ah oo Wadanka u dhashay , waayo Ganacastadeeda sida uu nidaamka dhaqaalaha furfurani sheegayo, Dawladduna xaq ayey u leedahay inay Shirkad gaar oo dalka laga leeyahay ku wareejiso Haamaha Shidaalka, arintana umay baahnayn in Barlamaanku soo faragaliyo, waayo Shirkadahani waa Shirkadihii dalka u dhashay, mida kale ma jiro heshiis dhacay, waayo iyada oo imika socdo wada hadalkii ayey Barlamaanku yidhaahdeen waxa aanu laalnay heshiiska iman doona, wax iman doonana lama laalo, ta kale waa Ganacsatadeenii wey inoo hagaajinaysaa Haamaha oo maalgashi ayey ku sameeynayaan, in Barlamaanku laftiisu inuu taas ka hor yimadaana maaha, Dawladduna xaq ayey u leedahay inay dib u soo celiso Barlamaankuna inuu dib fiirsado weeye, oo aan lagu deg degin, uu ka doodo, kadibna uu ansixiyo”.
Xildhibaan Waabeeye Oo Difaacay Heshiiska Ay Xukuumaddu Ku Wareejinayso Haamaha Shidaalka
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, ayaa ka hadlay Mooshinkii wareejinta Haamaha