"Go'aan Sidii Xeer La Curriyey La Yidhi Waxa Lagu Celiyey Golihii Waa ii Kow.....Anigu Arrintaas Waan Ku Wareeray" Eng. Faysal Cali Waraabe

0
Sunday September 06, 2015 - 19:11:55 in by salman abdi
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Go'aan Sidii Xeer La Curriyey La Yidhi Waxa Lagu Celiyey Golihii Waa ii Kow.....Anigu Arrintaas Waan Ku Wareeray" Eng. Faysal Cali Waraabe

    Hogaamiyaha xisbiga Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu ku jaahwareeray soo celinta madaxweynaha ee go'aankii golaha wakiiilladu ansixiyay ee ahaa inaan haamaha shidaalka Berbera lagu wareejin ganacsato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha xisbiga Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu ku jaahwareeray soo celinta madaxweynaha ee go'aankii golaha wakiiilladu ansixiyay ee ahaa inaan haamaha shidaalka Berbera lagu wareejin ganacsato.


Waxa uu sheegay in xukumaddu xaq u leedahay wareejinta haamaha shidaalka Berbera, balse ay sharciyan tahay in si cad ay dadka ugu sharaxdo sababaha loo wareejinayo, sidoo kalena qandaraas lagu bixiyo si muwaadiniintu ugu sinnaato. Waxa uu u soo jeediyay xukumaddu inay dadka u sharaxdo in marka la wareejiyo ay ka helayso dakhli ka badan kii hore haamaha uga soo bixi jiray iyo inuu ka yaraanayo.

 

"Wakiilladu waxay sameeyeen qaraar,markaa kol haydday qaraar tahay dawladdaha qaarna way ixtiraamaan, qaarna waxay yidhaahdaan nama khuseeyo laakiin, waa ii kow go’aan sidii xeer la curiyay la yidhi waxaa lagu celiyay golihii. Qisadaasi waa qiso aan fahmi waayay. Taasi waxay ina tusaysaa inaynaa dawladnimada aynaan garanayn, haddaynu nahay Somaliland dawladnimada ma garanayno oo bahasha waynu ku ciyaaraynaa, ma haynno nidaamkeedii, markaa arrintani waa arrin ugub ah, waxay ahayd dawladdu inay arrintan ogolaato amma sidii kuwii horeba ay indhaha ka qarsato, xukumaddu waxay soo celin kartaa Sharci aanu goluhu saddex meeloodow laba ku ansixin laakiin go’aan aqlabiyad lagu ansixiyay ayay xukumaddu soo celisay anigu xaqiiqdii waan ku wareeray” ayuu yidhi Eng Faysal.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay heshiis Xukumadda Muqdisho la gashay shirkaddo shidaal oo dalkaasi lagaga baadhayo khayraad, waxaanu sheegay in sababta beesha caalamku xukumadda Xasan Sheekh ugu sheegtay mid rasmi ah oo ku meelgaadhka ka baxday tahay si loo bililiqaysto khayraadka bulshada Soomaalida ka dhexeeya. Waxa uu sheegay in arrintaasi aanay Somaliland saamayn ku yeelan doonin balse ay tahay mid lagu xadayo khayraadka Somalia.

"Arrintaasi waa guul darro u soo hoyatay Xasan Sheekh,god madow ayuu ku riday Xasan Sheekh mustaqbalkii yaraa ee bidhaamayay ee Soomaalida, markaa la yaabi maayo inuu tanna ku dhaqaaqo balse maaha wax hirgali kara. Waxa aanay u hirgalayni waxa weeye, dee intuu gacanta ku hayaa hadday u badato waa intaa Banaadir, intaasna dadkii lahaa ee Banaadiriyiintu waa kuwa ururka samaystay oo way dulman yihiin, markaa cid allaale cid uu ninkaasi u hadli karaa ma jirto, reer Garoowe ogolaan maayaan, reer Somaliland na hadalkeedaba iska daa, markaa waa maamul xumaddaas uu wado uun iyo hunguri weynaanta uu wado,” ayuu yidhi Eng Faysal.