Yaya Toure Oo Bixiyay Waraysi Qiiro Leh:"Waan Ku Faanaa Inaan Ahaado Afrikaan".

0
Saturday April 19, 2014 - 08:03:05 in by salman abdi
  • Visits: 1554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaya Toure Oo Bixiyay Waraysi Qiiro Leh:"Waan Ku Faanaa Inaan Ahaado Afrikaan".

    Laacibka kooxda Man City Yaya Toure ayaa siiyay maanta BBC Sport waraysi aad u qiiro badan kaas oo uu kaga hadlay in la faquuqo maadaama uu yahay Afrikaan,Toure oo kamid ah 6-da laacib ee u sharaxan laacibka ugu fiican Premier League

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka kooxda Man City Yaya Toure ayaa siiyay maanta BBC Sport waraysi aad u qiiro badan kaas oo uu kaga hadlay in la faquuqo maadaama uu yahay Afrikaan,Toure oo kamid ah 6-da laacib ee u sharaxan laacibka ugu fiican Premier League

 xili ciyaareedkan ayaa sheegay inuusan helin qadarin udhiganta dadaalkisa maadama uu yahay nin madow ah lakiin wuxuu sii raaciyay inuu ku faanaayo inuu yahay Afrikaan.

Ciyaaryahanka kaso jeedo Ivory Coast ayaa kuguuleestay horyaalada wadamada Ivory Coast, Greece, Spain iyo England, isagoo dabaraacayey hadalkii Samir Nasri ee aha in haddii uusan ahaden Toure African in lagu dari lahaa liiska ciyaartoyda ugu fiican adduunka ayuu yiri”Waxaan aaminsanahay in Nasri uu saxan yahay, ma raadinayo inaan noqdo qof caan ah mana doonayo inaan u leexdo dhanka xun lakiin waxaan dareemayaa in aanan helin wixii aan mudnaa oo dhamaystiran taasna waxaa keenay waxaan ahay Afrikaan” ayuu u sheegay Yaya Toure BBC Sport.

Toure ayaa arko in warbaahinta looga baahan yahay inay taageeraan ciyaaryahanada Africa kaso jeeda isagoo hadalkiisa kusi daray ” Haddi aan sifiican uciyaarno misana aanan bogaadin kahelin warbaahinta magaareyno heerka aan dooneyno”, isago tusaale uguso qaatay Iniesta iyo Alonso si walbo loogu amaano weerarka sida ay udhisan inaan marna lagu dhaleeceyn sida ay uga gaabiyaan difaaca.

Laacibka khadka dhexe ayaana raali ka ehen isbarbar dhiga lagu sameeyo Messi iyo Ronaldo mar haddiiba laacibiinta kale aan sidaas loo qiimeenin”meel walbo oo ad katagto Afrika waxaa lagu weydiinayaa magaraneysaa Messi?, lakiin hadii aad aado yurub waxaad arkaysa dad ku dhahaya, Yaya Toure?.. waa kuma kaas?.. halka kuwokale ay ku oranayaan magaciisa unbaa garanaynaa ee wajigiisa ma garanayno, lakiin Messi dhamaan wajigiisa waa lawada garanayaa”.

Toure ayaa kuguuleestay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican qaarada Africa 2013

Toure ayaa kuguuleestay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican qaarada Africa 2013

Yaya ayaa cadaalad-daro u arka in ciyaaryahanki ugu danbeeyay ee Africa kaso jeedo ee kobaha dahabka lasiiyo uu aha George Weah 1995, balse Samuel Etto iyo Dedier Drogba ay uqalmeen sharaftaas oo kale”Ciyaaryahanadas xageyga iyo xagga qaaradaba ma aysan ehen kaliya halyeeyo aad ayaan ugu faanaa inaan ahaado Afrikaan, waxaana doonayaa inaan difaaco dhamaan muwaadiniinta Afrika, waxaana rabaa inaan tuso aduun waynaha kale in Afrikaanku uuleeyahay tayada yurubta iyo Latin Amerika”.

Afkashacabka.com/Sports