Hargaysa:Guddomiyaha Golaha Wakiilada Oo Iska Difaacay Eedaymo Uga Yimi Kuxigeenadiisa

0
Monday September 07, 2015 - 17:43:46 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Guddomiyaha Golaha Wakiilada Oo Iska Difaacay Eedaymo Uga Yimi Kuxigeenadiisa

    Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa iska difaacay eedeymo uga yimi Guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo Guddoomiye labaad ee Golaha wakiilada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa iska difaacay eedeymo uga yimi Guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo Guddoomiye labaad ee Golaha wakiilada.

Guddoomiye Cirro ayaa isaga oo qaybo ka mid ah warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa golaha wakiilada ayaa sheegay inaan la soo celin karo go’aanka goluhu gaadhay ee wareejinta haamaha shiidaalka isaga, waxaana u u sheegay inaanu madaxweynuhu soo celin Karin go’aanka golaha wakiilada isaga oo arrimhaas ka hadlayana waxaa uu yidhi "Wakiiladu laba Go’aanba uu sameeyey midi waa shuruuc midina waa go’aamo dastuurku uu tilmaamay markay shuruuc tahay madaxweynuhu marka uu awood u leeyahay inuu soo celiyo qoddobka 78 ee dastuurka ayey ku caddahay, 21 maalmood gudahood inuu ku saxeexo ama ku soo celiyo” Guddoomiye Cirro ayaa isaga oo ".

isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi Gudomiye Cirro "Dastuurku ma jidaynin meel ay kaga taallaana ma jirto Guddoomiye ku-xigeenka weydiiya (Baashe Cadde) farqadda banneyneysa inuu soo celiyo go’aan gole, kuma jirto kuma xusna go’aan gole oo la soo celiyaa meelna kuma xusna” Guddoomiye Cirro.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiye Cirro inuu "Anoo ku hadlaya magaca golaha iyo go’aanka golaha oo dastuurkana waafaqsan waxaan u celiyey u tilmaamayna madaxweynaha in madaxweynuhu awood u leeyahay inuu soo celiyo mashruuc sharci, hase yeeshee aanu dastuurku jidaynin inuu go’aan gole soo celiyo” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Dhinaca kale waxaa uu Guddoomiye Cirro ka dhawaajiyey hantida qaranka iyo in la sameeyn karo xeer lagu maamuli karo hantida qaranka isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxaa uu yidhi ” Beryahan waxaa innagu soo noq-noqonaysa hantida qaranka iyo sida loo maamulo, sida loo bixiyo, qodobka labaad dastuurku waxaa uu jideeyey xeer lagu maamulo hantida qaranka intaan daamo la iibin ama wax kale la sameeynin” Guddoomiye Cirro
Sidoo kale waxaa uu Guddoomiye Cirro ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay soo gudbiso waraaqaha shuruucda lagu maamulo hantida qaranka isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxaa uu yidhi "Xukuumaddu waa inay sida ugu dhakhsaha badan u soo sameyso una soo gudbiso si looga baxo muranada badan ee jira maamulka hantida qaranka”.

Contact@afkashacabka.com