Dariiqa guusha iyo Xaqiijinta Himilada! Q.5aad. Qalinkii Suleiman Bashir Omar

0
Saturday April 19, 2014 - 11:25:26 in by Super Admin
  • Visits: 1832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dariiqa guusha iyo Xaqiijinta Himilada! Q.5aad. Qalinkii Suleiman Bashir Omar

    Qofkasta wuxuu u bahan yahay cid uu ku daydo, waana inaad heshaa cid gaadhay darajo iyo maqaam sare, si aad ugu dayato una raacdo wixii ay qabteen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofkasta wuxuu u bahan yahay cid uu ku daydo, waana inaad heshaa cid gaadhay darajo iyo maqaam sare, si aad ugu dayato una raacdo wixii ay qabteen

Dariiqa guusha iyo Xaqiijinta Himilada! Q.5aad. Qalinkii Suleiman Bashir Omar

Allaa mahad leh, ammaan oo dhan isaga ayaa leh, qofkuu hanuuniyo ayaa hanuunsan, ninkuu lumiyana wax hanuunin karaa ma jiraan.

Waxaynu qaybheenii hore kaga soo hadalnay guushu waxay tahay, iyo sida dadku u arkaan, waxaynu wali ku guda jirnaa tiirasha iyo aas-aaska gaaritaanka guusha oo ay nu dhawr qodob ka soo hadalnay inagoo sii dhamaystiri doona.

7.    Tilmaam iyo Hogaan: Qofkasta wuxuu u bahan yahay cid uu ku daydo, waana inaad heshaa cid gaadhay darajo iyo maqaam sare, si aad ugu dayato una raacdo wixii ay qabteen. Ma waxaad garan tilmaan ka wanaagsan tilmaanta Alle iyo Hogaan ka wanaagsan Nabigeena suuban (N.N.K.H) oo lagu daydo lana raaco dariiqiisa, iyo darajada ay gaadheen ku wii raacay (Asxaabtii Rasuulka) oo ahaa kuwo If iyo Aakhiraba guulaystay, oo ay tahay inaan markasta ku dayano si aan Alle xagiisa ugu dhawaano wax walbana inoogu fududaadaan.

8.    Ka faa’iidaynta Waqtiga: waxaad ogaata in waxa kaliya ee umada oo dhami ka siman yihiin yahay Waqtiga waayo qofkasta wuxu haystaa Saacad ka kooban 60 minute, Habeen iyo Maalin ka kooban 24 saacadood, Todobaad ka kooban todoba maalmood, Sanad ka kooban 365 Maalmood. Waxaanay ku xiran tahay qof walbaa sida uu uga faa’iidaysto waqtigiisa, waana halka ugu horaysa oo laga bilaabo guusha iyo horumarka. Waa in aad tahay qof ku adag waqtigiisa oo leh qorshe hawleed aad mar walba ugu sii dhawaanayso himiladaada, Maalinkasta oo ku soo martaa waxay waayo aragnimo u tahay noloshaada iyo maalinta danbe si aad uga gudubto caqabadaha kaa horyimaada. Waqtigu waa halka kaliya ee dunidu ku kala hormartay.

ugu danbayntii dadka guusha gaadhay waxay sifo u leeyin Abaabuulka iyo Adeegsida Awooda dadka kale, ama degaanka ku xeeeran, waxay inta badan isku dayaan inay abuurtaan jawi la saaxiiba kaas oo gacan ka siiya markay hoos marto, sida Xaasas fiican, Lataliyayaal daacada, iyo cidkasta oo ay u arkaan inay gacan kasiinayaan gaadhida halka ay rabaan, waxaanay isku dayaan inay yareeyaan Cadawgooda wakhtiga bilawga ama awood darada.

Waana dad nafta ku qasbay inay shaqo qabtaan, oo aysan ka seexanin, ka dib-dhicin. Dadka jecel inay Guul gaaraana uma shaqeeyaan inay helaan lacag oo kali ah, ee waxay u dadaalaan inay shaqadooda ku raaxaystaan, kadibna waxay isla helaan Guul iyo Maal badan. Waayo Guul oo dhan waxaa saldhig u ah, Shaqo loo maro dhib badan, wax bilaash iyo raaxo ku yimaadaana ma jiraan, haday jiraana waa wax riqiis ah oon qiimo badan lahayn. Dadka Horumarka gaaray waxay qabtaan shaqo ay ku raaxaystaan, waqtigooda iyo naftoodana u huraan, waxayna u shaqeeyaan si qota dheer.

is ku day inaadi fikrado cusub la timaado hana sugin sixir ama wax hal mar kugu soo daga oo Guul weyn kugaarsiiya. Guushu waa fikrado yaryar oo laysku daray, lagu celceliyay, lakobciyay, oo lagu dadaalay. (dhibicda yar ee dhulka ugu dhacda si is daba joog ah way qodaa, lakiin Baaldi buuxa hadii halmar dhulka lagu shubo ma qodi karo).

Guusha macaani waa mid lagaari karo oo kaliya markii lahelo fikir wanaagsan, go’aan adag, dadaal is daba joog ah iyo rabbi oo latala saarto.

Waxan inta kusoo afmeeraya maqaalkii mudada inoo soo socday oo ku saabsanaa Dariiqa Guusha iyo Xaqiijinta Himilada.

 

” ALLAA MAHAD LEH".

Suleiman Bashir Omar

Borama, Somaliland.

Email: ibnubashiir99@gmail.com