Ciidamo Mushahar La'aan Ka Gadooday Oo Dhaawacay Askari Ka Tirsan Ilaalada Duqa Boosaaso.

0
Friday September 11, 2015 - 12:53:09 in
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Mushahar La'aan Ka Gadooday Oo Dhaawacay Askari Ka Tirsan Ilaalada Duqa Boosaaso.

    Ciidamo ka tirsan ciidamada birmadka ee Puntland ayaa gadood ay sameeyeen maanta ku xiray muddo saacado ah inta u dhaxaysa kantaroolkii hore ee magaalada Boosaaso iyo kan hadda ay magaaloodu leedahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan ciidamada birmadka ee Puntland ayaa gadood ay sameeyeen maanta ku xiray muddo saacado ah inta u dhaxaysa kantaroolkii hore ee magaalada Boosaaso iyo kan hadda ay magaaloodu leedahay.


Mid ka mid ah ciidanka gadoodka sameeyey oo codsday in aan magaciisa la sheegin, ayaa VOA u sheegay in ay ka cabanayaan mushahar la’aan.


Ciidanka gadooday ayaa hor-isaagtay dhammaan gaadiidkii ka baxayey magaalada Boosaaso iyo kuwii soo galayey.

 

Isku day lagu dooneyey in ciidanka halkaasi looga kaxeeyo oo ay wadaan mas’uuliyiin oo ku jiro duqa magaaalada Boosaaso Maxamed Siciid Shabeel oo tagay goobta ay ciidankaasi ku sugan yihiin ayaa rabshad isku beddelay, waxaana mas’uuliyiintaas rasaas goobtaasi looga soo riday ku dhaawacmay mid ka mid ah illaallada duqa magaalada Boosaaso.

Wararka u danbeeyey ee Bossaso naga soo gaaraya ayaa sheegaya in ciidanka gadoodka sameeyay ay imika halkaasi ka baxeen kadib markii xal loo helay murankii jiray, loona ballan qaaday mushaharaadkoodii.

Contact@afkashacabka.com