Yeman:Saraakiil Sar-sare Oo Ka Tirsan Al-qaacidada Oo Duqayn Lagu Dilay.

0
Friday September 11, 2015 - 13:08:28 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yeman:Saraakiil Sar-sare Oo Ka Tirsan Al-qaacidada Oo Duqayn Lagu Dilay.

    Mas'uuliyiin ka tirsan Xukuumadda dalka Yemen ayaa u sheegay Warbaahinta in Afar Hoggaamiye oo ka tirsanaa Ururka AQAP ee ka tirsan Al-Qaacida lagu dilay duqeyn ay ka fuliyeen Koonfurta dalkaas diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin ka tirsan Xukuumadda dalka Yemen ayaa u sheegay Warbaahinta in Afar Hoggaamiye oo ka tirsanaa Ururka AQAP ee ka tirsan Al-Qaacida lagu dilay duqeyn ay ka fuliyeen Koonfurta dalkaas diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.


 

Wararka ayaa sheegaya in Hoggaamiyeyaashan la Beegsaday iyagoo la Duqeeyay xilli ay Gaari ku marayay deegaan lagu magacaabo Arjax oo ku dhow Magaalada Mukallah oo ku taalla Koonfur-galbeed Yemen.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta ayaa intaa raaciyay in afarta hoggaamiye ay goobta ku dhinteen, Baabuurkii ay wateenna uu Gubtay, iyadoo aysan weli Xukuumadda Mareykanka ka hadlin duqeynta lagu dilay Xubnahan ka tirsan Ururka AQAB ee Al-Qaacida.

"Hoggaamiyeyaashan waxaa la duqeeyay iyagoo marayay deegaan 7-km u jira Magaalada Mukallah, dhammaantoodna way geeriyoodeen,” ayay Mas’uuliyiinta ka Tirsan Dowladda Yemen u sheegeen Warbaahinta. 



Contact@afkashacabka.com