Hargaysa:Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Oo Furtay Shir Wayne Lagu Darsayo Xaalada Horu Marineed Ee Dhalinyarada

0
Friday September 11, 2015 - 17:21:43 in by salman abdi
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Oo Furtay Shir Wayne Lagu Darsayo Xaalada Horu Marineed Ee Dhalinyarada

    Wasiir Yuusuf Cismaan Garas oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda waxa haddalladiisii ka mid ahaa;Waxa xafladdii furitaanka ka qayb-galay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Yuusuf Cismaan Garas oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda waxa haddalladiisii ka mid ahaa;Waxa xafladdii furitaanka ka qayb-galay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Yuusuf Cismaan Garas, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Dhallinyarada Cabdirashiid Caydiid iyo Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada ee Wasaaradda Dhallinyarada Sayid Cumar.


"Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiisku waxay diyaar u tahay in ay si dhammaystiran ulashaqayso ururrada iyo hay’adaha ku hawlan wax-qabadka dhallinyarada. Waxayna doonaysaa in ay ka war hayso wixii hadba ay ururradu soo kordhiyaan si ay u jirto wada-shaqayn iyo wada-xisaabtan ku salaysan horumarin. Waxan idinka codsanaynaa in wax-qabadkiinu ku salaysnaado siyaasadda heer qaran ee dhallinyarada Somaliland.”

 

Madaxda xukuumaddu waxay dhallinyarada ka dhagaysteen wax-qabadkii saddexdii bilood ee la soo dhaafay, waxayna ku booriyeen in dhammaan wixii la qabanayaa ay la jaan-qaadaan siyaasadda heer qaran ee dhallinyarada Somaliland.

Intii uu shirku socday waxa wax-qabadkoodii soo bandhigay isla markaana su’aalo laga waydiiyey in ka badan 20 isugu jira ururrada waddaniga ah iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku hawlan horumarinta dhallinyarada.

 

 Contact@afkashacabka.com