War Deg Deg Ah:Shirguddoonka Wakiillada Oo Is Faro Saaray, Xildhibaannada Oo Mid Mid Isku Beegsaday Iyo Jawigii guud Ee Golaha Wakiillada

0
Saturday September 12, 2015 - 12:08:17 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Shirguddoonka Wakiillada Oo Is Faro Saaray, Xildhibaannada Oo Mid Mid Isku Beegsaday Iyo Jawigii guud Ee Golaha Wakiillada

    Fadhigii golaha wakiillada Somaliland ee Saaka ayaa ku bilaabmay buuq iyo sawaxani, kadib markii ay Mudanayaasha muxaafidka ahi soo dhigeen mooshin ka dhan ah go'aankii hore ee Xildhibaannada golaha Wakiilladu ku laaleen dhaxal wareejinta kaydka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhigii golaha wakiillada Somaliland ee Saaka ayaa ku bilaabmay buuq iyo sawaxani, kadib markii ay Mudanayaasha muxaafidka ahi soo dhigeen mooshin ka dhan ah go'aankii hore ee Xildhibaannada golaha Wakiilladu ku laaleen dhaxal wareejinta kaydka Haamaha Shidaalka Berbera.

Wariyeyaal kaFadhigan oo uu guddoominaayey Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waxa hareero fadhiyey labadda guddoomiye ku-xigeen ee Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Aw Axmed, waxaanna uu khilaaf iyo is maan-dhaaf dhex-maray Guddoomiyaha Wakiilladda Cabdiraxmaan Cirro iyo Ku-xigeenkiisa 1aad Baashe Maxamed Faarax, kaasoo markii dambenna isku rogay gacan ka hadal sii xoojiyey murankii iyo kala qaybsanaantii u dhaxaysay Mudanayaasha aqalka Wakiillada Somaliland. 


tirsan Shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews oo ku sugan fadhiga golaha Wakiillada Somaliland ayaa ku soo waramaya in xaaladda golaha wakiilladu aad u kacsan tahay, isla markaanna gacan ka hadal Shirguddoonku uu sababay in Xildhibaannaduna ay mid mid isku faro saaraan, iyadoo aanay jirin cid soo dhex-gashay.

 

Guddoomiye Cirro ayaa golaha u arkhiyay magacyada 38 mudane oo saxeexay mooshinka, kuwaasi oo 5 ka mid ahi maqnaayeen, waxaanu golaha u sheegay in xeer hoosaadka goluhu dhigayo in mooshinnada noocan ah lagaga doodo kalfadhiga dambee golaha wakiilladda, sidaasna fadhiga maantu ku xidhan yahay.

Haseyeeshee, guddoomiye xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax, ayaa makarafoonka u qabsaday Guddoomiye Cirro, isagoo u muuqda inuu ka cadhaysan yahay mooshinka dib loo dhigay. Labada masuul oo muran ku dhex maray Makarafoonka oo midba dhinac haystay ayaa buuq dhaliyay.

Markii Buuqaasi la dejiyay ayaa guddoomiye Cirro golaha la hadlay waxaanu ku yidhi "Guddoomiye xigeenku waa inuu ixtiraamo golaha wakiillada iyo xeer hoosaadka golaha. Haddii golaha wakiilladu yeesho laba guddoomiye, dalkuna wuxuu yeelan doonaa laba Madaxweyne.”

1

Mar labaad ayuu Baashe Maxamed Faarax Makarafoonka Guddoomiye Cirro ku qabsaday, taas oo sababta is jiidjiidad labada guddoomiye isla sara kaceen, kadibna Guddoomiye Cirro oo aad uga xanaaqay Maamulka golaha ee lagu haysto ayaa feedh u miisaamay Baashe Maxamed Faarax, kadibna Xuurto ku qabtay oo Kursiga ku dul legday, iyadoo taasi sababtay dagaal rasmi ah oo labada guddoomiye dhexmaray golahana buuq ka abuuray.

Maaha markii ugu horaysay ee uu khilaaf dhinaca maamulka iyo xeer-hoosaadka golaha ay isku khilaafaan Shirguddoonka golaha Wakiilladu, hase yeeshee waa markii ugu horaysay ee ay is faro saaraan Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Ku-xigeenka 1aad Baashe Maxamed Faarax.

Contact@afkashacabka.com