Daawo Sawiro:Roob Saacado Badan Ka Da,ay Tog-Wajaale iyo Biyo Laxaad Leh Oo Kasoo Rogmadey

0
Saturday September 12, 2015 - 21:10:48 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawiro:Roob Saacado Badan Ka Da,ay Tog-Wajaale iyo Biyo Laxaad Leh Oo Kasoo Rogmadey

    Roob aan duufaan iyo dabeylo culus midna wadan ayaa Saacado badan ku da,ayay Magaalada Tog-Wajaale ee kutaala Xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roob aan duufaan iyo dabeylo culus midna wadan ayaa Saacado badan ku da,ayay Magaalada Tog-Wajaale ee kutaala Xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya.


 
Roobkan oo ahaa kii ugu cuslaa ee tan iyo intii roobabku curteen ku da,a Tog-Wajaale ayaa waxa kasoo rogmadey biyo badan oo kayimid dhinaca daafaha koonfureed ee Magaalada Tog-Wajaale kuwaas albaabka uga galey dhinaca Xaafadaha gudaha Magaalada inkastoo aanay geysan khasaare badan hadana biyaha kasoo rogmadey Roobkani ayaa, siweyn loga dareemay meelo badan oo kamid ah Tog-Wajaale.
 
 


Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale ee kutaala Xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya islamarkaana, ah bogcad caro san ah oo ay ku gaafwareegsan yihiin deegaano badan oo dhul beereed ah ayaa, had iyo jeer xiliga Roobabka waxa laga dareemaa Gudaha Magaalada ceejiska dhiidhida carmadowda ah oo qabsata Gaadiidka iyo dadkaba inkastoo, ay had iyo jeer ka duwan tahay marka Roobku mudo saacado ah ku hooro Gudaha Tog-Wajaale taas, oo dhiidhida inteeda badan biyuhu qaadaan waxaanu roobakni noqonayaa in mudo ah tuskii shanaad ee si fiican ugu da,a iyadoo horaantii bishii ogos ee aynu soo dhaafney ee Sanadkan laga dareemayay abaar roob la,aaneed oo ka muuqatey goga xoolaha,dhul daaqsinka iyo biqilka Beerahaba,waxaanay roobabkan ilaahay u shubey Gudaha bishani sagaalaad noqonayaan kuwa ay Tog-Wajaale iyo Dhulbeereedka Mashruuca Tog-Wajaale iyo Deegaanada ku hareeraysani kaga doogasn doonaan abaarta ku daba dheeraatey gugii sanadkan, walow ay hore gabaad abaareed u ahaan jirtey Xoolaha Madar iyo meel badan kaga soo hayaama.

Contact@afkashacabka.com