"Mooshinka Ninka Keenay Waa Aniga, Waana Sharci laakiin Cirro… .." Xildhibaan Bukhaari

0
Saturday September 12, 2015 - 21:27:27 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Mooshinka Ninka Keenay Waa Aniga, Waana Sharci laakiin Cirro… .." Xildhibaan Bukhaari

    Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah mudaneyaasha muxaafidka ah ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE, islamarkaana hormoodka ka ahaa mooshinka ay ku doonayeen in dib looga noqdo go'aankii hore loogu laalay wareejinta haamaha kay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah mudaneyaasha muxaafidka ah ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE, islamarkaana hormoodka ka ahaa mooshinka ay ku doonayeen in dib looga noqdo go'aankii hore loogu laalay wareejinta haamaha kaydka shidaalka Berbera, ayaa sheegay in Guddoomiye Cirro xaq u leeyahay in mooshinkan ay maanta keenaan uu sharciga mariyo oo loo codeeyo.

Mudane Bukhaari oo xarunta Baarlamaanka warbaahinta kula hadlay, waxa uu yidhi "Mooshinka Ninka keenaya waa aniga, in golaha mooshin la keenaa waa sharci, in sharciyada la mariyaana waa sharci, 38 mudane ayaa soo saxeexay oo keenay. Guddoomiyuhu wuxuu xaq u lahaa in sharciga la mariyo oo loo codeeyo, inuu Golaha dhexdhexaad ku hoggaamiyo oo Guddoomiye u yahay ayaa Dastuurka ku taala inuu mooshinkii shalayna yidhaahdo uma baahna nidaa ee hadda loo codaynayaa.” Ayuu yidhi Mudane Bukhaari

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) waxa uu intaas raaciyay "Kii maantana inuu yidhaado shacigaa la marinayaa lama keeni karo oo xeer-hoosaadka u daliishado, shalayna uu yidhi xeer-hoosaadkan laalayaa. Waxa weeyaan arbush iyo fidmo golaha laga samaynayo.” Ayuu Yidhi Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari.

Contact@afkashacabka.com