Daawo: Wasiir Xaglatoosiye oo lagu waraystay Barnaamijka Milicsiga Siyaasiga ee UNIVERSAL kana jawabay Su'al laga waydiiyey

0
Sunday September 13, 2015 - 15:44:54 in by salman abdi
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Wasiir Xaglatoosiye oo lagu waraystay Barnaamijka Milicsiga Siyaasiga ee UNIVERSAL kana jawabay Su'al laga waydiiyey

    waxu yelayo haddii xilka laga qaado iyo inu jabhaddii dib ugu noqonayo iyo in kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxu yelayo haddii xilka laga qaado iyo inu jabhaddii dib ugu noqonayo iyo in kale

Dr.Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) Wasiirka Caafimaadka JSL ayaa markii ugu horaysay wax laga waydiiyay  in aanu ka quusan jabhadii SSC sido kalan hadiiba uu xilka waayo  uu dib u qaadayo wadadii jabhadaynta ee SSC   ayaa ka dhaartay in aanu qori danbe qaadanayn kana shaqaynayo isku duubnida bulshada reer Somalilnd  waxanu hadalkiisa ku bilabay "Waxan ahaa hogaamiyihii SSC  , Madaxwaynaha heshiis ayanu galnay  heshiiskaa ayaan ku joogaa  ku shaqeeyaa  alxamdulilahi  maalintii aanu heshiiska gaadhnay Madaxwaynaha  colaad danbe iyo dhib danbe kama  dhicin goboladaasi (Buuhoodle & Sool) qabyaaladii ma jirto oo shirkii ugu danbeeyay waakaa Coodanle ka dhacay ,tii siyaasada waanu dhamaynay  hadii aan xilkayga waayo oo lay badalo nabadaa iyo horumarkaas ayuunbaan sii wadayaa  xabadii dib ugu celin maayo waanan ka soo horjeedaa in xabad danbe  ka dhacdo deegaankaasi  laakiin wararkani sheegaya inan dib u noqonayo  ma jirto .”

Wasiirka Caafimaadka Somalilnd oo sii hadalya ayaa sheegay in Madaxwaynuhu xaq u leeyahy  in uu xilka ka qaado iyo inuu Xukuumadiisa ka sii mid ahaado balse waxa uu wasiirku ku adkaystay in aanu marnaba ka noqonayn heshiiskuu la galay Somalialnd waxanu yidhi "Madaxwaynahaa i magacaabay isagaa xaq u leh haduu i badalayo iyo hadii kale ,laakiin heshiiskii aan la galay Somaliland waa halkiisii Ninka ragga ahi waa inuu go’aanyeeshaa ,anigu Somaliland umaan iman inaan wasiir noqdo laakiin  waxan u imi in dadkaygu horumar gaadhaan ,xuquuqdooda helaan , nabad inay helaan baan u imi hadii aan wasiir ahay iyo hadii kalaba taas ayaan ku shaqaynayaa ”

Wasiir Xagla toosiye oo ka hadlaya waxa ka fulay heshiiskuu la galay Madaxwayne Siilaanyo  ayaa yidhi "Madaxwaynuhu heshiiskii aanu gaadhnay wuu fuliyay  reer Somalilnd alaa is baday way dhamaatay wakhtigii qabiilku   waa inaynu nabad ku noolaanaa go’aankayguna go’aan shakhsi maaha ee waa mab’da  Somaliland na waa muqadis ”ayuu yidhi Saleebaan Xagla toosiye Wasiirka Caafimaadka JSL.