Nuxurka Kulan ay Addis Ababa ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Itobiya

0
Sunday September 13, 2015 - 16:05:08 in by salman abdi
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Kulan ay Addis Ababa ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Itobiya

    Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde iyo dhigiisa Wasiirka arrimaha gudaha federalka Ethiopia Shiferaw Teklemariam, oo ay weheliyeen saraakiil sare oo Booliska ah ayaa dhawaan ku kulmay Addis ababa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde iyo dhigiisa Wasiirka arrimaha gudaha federalka Ethiopia Shiferaw Teklemariam, oo ay weheliyeen saraakiil sare oo Booliska ah ayaa dhawaan ku kulmay Addis ababa.

iyagoo wada jir u lafo guray iskaashiga arrimaha ammaanka ee labada dal.
Kulanka oo dhacay 10-kii bishan ayaa dhexmaray Wasiir Warancadde iyo wasiirka daakhiliga dawladda Federalka ah ee Ethiopia oo ay weheliyaan saraakiil sarsare oo booliska waddankaasi ah, waxaana laga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin kor u qaadista tayada iyo agabka booliska Somaliland.

f1079cec8f0c7ace5ecce85fdc63c140_L

War Qoraal ah oo wasaaradda Daakhiliga Somaliland kulanka ka soo saartay ayaa u dhignaa sidan:-
"Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde iyo dhigiisa Wasiirka arrimaha gudaha federalka Ethiopia Shiferaw Teklemariam, oo ay weheliyeen saraakiil sare oo Booliska ah ayaa dhawaan ku kulmay Addis ababa.
Wasiiradu waxay falanqeeyeen, sidii loo horumarin lahaa tababarada booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Dawladda Ethiopia waxay taageero buuxda oo dhinaca agabka iyo qalabka ka hor tagista rabshadaha ah siinaysaa booliska Somaliland.
Labada masuul sidoo kale waxay wada lafo gureen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga arrimaha dhinaca ammaanka ee labada dal. Waxaa jiri doona shir balaadhan oo Ethiopia ka dhici doona,kaas oo lagaga hadli doono isku socodka labada dal ee xuduuda, ammaanka iyo tahriibta Somaliland iyo Ethiopia,” ayaa lagu yidhi Qoraalka wasaaradda Daakhiliga.