War Deg Deg AH:Dib-u-dhac ku yimid Shirkii Wadatashiga ahaa ee Maanta ka Furmi lahaa Kismaayo+Sawiro

0
Sunday September 13, 2015 - 16:39:20 in by Burco Office
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg AH:Dib-u-dhac ku yimid Shirkii Wadatashiga ahaa ee Maanta ka Furmi lahaa Kismaayo+Sawiro

    Iyadoo shalay ay magaalada Kismaayo soo gaareen Wufuud ka kala socotay Dowladda Federaalka, Madaxda Maamul-goboleedyada dalka iyo Wufuud kale oo ka socotay Beesha Caalamka, isla markaana lagu Waday inuu maanta ka furmo Kismaayo Shirkii Wada-tashiga M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo shalay ay magaalada Kismaayo soo gaareen Wufuud ka kala socotay Dowladda Federaalka, Madaxda Maamul-goboleedyada dalka iyo Wufuud kale oo ka socotay Beesha Caalamka, isla markaana lagu Waday inuu maanta ka furmo Kismaayo Shirkii Wada-tashiga Madaxda dalka ayaa waxa la shaaciyay in shirkaas uu dib-u-dhac ku yimid.

 

Madaxweynaha Somaaliya, Xasan Sheekh Max’uud, RW Somalia, iyo madaxda maamul-goboleedyada Somalia ayaa saaka waxay kulan qaatay saacado badan ku yeesheen hoolka shirarka ee xaruntii ay ka dhacday xafladda caleemosaarka, waxaana kulamadaasi si gaar ah ugu wada hadlayay madaxda maamullada ka jira dalka, iyadoo kulamadaasi ay goobjoog ka ahaayeen madaxweeynaha iyo raysul wasaaraha dalka, wallow saxaafaddu ay dibad-joog ka ahayd.

Shirka Wadatashiga madaxda Soomaalida ayaa arrimaha ugu muhiimsan ee la doonayay in looga hadlo waxaa ka mid ah sidii loo xallin lahaa tabashooyinka u dhexeeyay maamullada ka dhisan dalka iyo weliba arrinta ugu muhiimsan ee Hiigsiga Sannadka 2016-ka.

Ma cadda Sababta keentay in uu Dib-u-dhac ku yimaado Shirkii Wada-tashiga madaxda dalka, hase yeeshee Wasiir-u-dowlaha Madaxtooyada Jubbaland, C/qani Cabdi Jaamac oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaasi dib u dhac ku yimid, lana qorsheeynayo in uu qabsoomo 20-ka bishan aynu ku jirno ee September.

Warar hoose ayaa sheegaya inuu muran ka dhashay shirka Wadatashiga ee furmi lahaa, isla markaana ay qaar kamid ah madaxda dalka isku khilaafeen hanaanka uu u soconayo shirka, arintaa oo keentay in shirku baaqdo.

Shirkan ayuu Wasiir-u-dowluhu sheegay in uu ka dhici doono meel ka baxsan Kismaayo, halka markii hore la qorsheeynayay in uu ka furmo halkan oo madaxda dalka ay go’aano kazoo saaraan.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jireen khilaafaad u dhexeeyay madaxda dalka, gaar ahaan maamul-goboleedyada dhexdooda iyo khilaafaad kale oo ka dhex aloosnaa Qaar ka mid ah Maamullada dalka iyo Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya, Tedros Adhenon, Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markii uu shirku soo xirmay ka Ambabaxay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.