Wiil uu Dhalay Gudoomiyaha Jaamcada Hargaysa oo lasheegay inuu isku Qarxiyay wadanka Siiriya

0
Sunday September 13, 2015 - 16:47:41 in by Hargeysa Office
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil uu Dhalay Gudoomiyaha Jaamcada Hargaysa oo lasheegay inuu isku Qarxiyay wadanka Siiriya

    Wiil uu Dhalay Gudoomiyaha Jaamcada Hargaysa oo lasheegay inuu isku Qarxiyay wadanka Siiriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil uu Dhalay Gudoomiyaha Jaamcada Hargaysa oo lasheegay inuu isku Qarxiyay wadanka Siiriya

Wiil uudhalay gudoomiyaha jaamacada hargaysa
Mahdi Cisman Buuri ayaa isku Qarxiyey Waddanka Siiriya, ka dib markii uu ku Biiray kooxda la baxday Dawlada islaamiga ee Daacish.

Wiilka geeriyooday oo la Yidhaahado Dr. Cabdicasiis Mahdi Cisman Buuri ayaa waxa la sheegay in kooxdaasi uu ku biiray Sannadkii hore isaga oo ka Ambo baxay Waddanka Ingiiriska oo uu ku noolaa kana shaqeysan Jiray

 

waxaanu isla waddankaasi uu ka bartay Cilmiga Dhakhtarnimada, basle waxa la sheegay in waddankaasi uu isaga tagay isla markaana uu taggay waddanka Turkiga oo uu u sii dhaafay Suuriya, waxaanu ku Biiray Kooxda Daacish oo uu u noqday Dhakhtar.

Warar Todobaadkii hore soo baxay ayaa sheegay in Cabdicasiis uu ku Dhintay Isqarxin uu Gudaha Waddanka Suuriya uu ka sameyey, lama oga goobta uu isku Qarxiyey iyo ciida uu isku qarxinayey.

Allahawnaxariiste Wiilkaasi ayaa la sheegay in intii aanu ku biirin Kooxdaasi uu ahaa nin iska shaqeysta oo Degen, Dhinaca Waxbarashadana Cilmiga Maadigana uu heer Dhakhtarnimo uu ka gaadhay.

Somalida ku biirtay Kooxda islaamiyiinta ee Daacish ee ku kala Sugan Suuriya iyo Ciraaq ayaa isku jira Haween iyo Ragba kuwaasi oo ka kala yimid Waddamada Yurub iyo Ameerika, waxaana ugu danbeyey Afar Hablood oo Somali ah oo ka kala taggay waddamada Ingiiriska iyo Norwey kuwaasi oo wali ka garab dagaalama Kooxdaasi Daacashi, iyada oo uu hore Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabena uu u sheegay in Wiil uu dhallay uu ku biiray Kooxdaasi Daacish ee isku Magaacaabay Dawlada Islaamiga ah.

Dagaalyahanada Kooxdaasi Dacaashi ayaa la sheegaa in Boqolkiiba 60 yihiin Ajnabi aan u dhallan waddamada Suuriya iyo Ciraaq basle ka kala tagay waddamada Caalamka oo dhan, kuwaasi oo halkaasi u doontay Jihaad.