Sport: Saxaafada Caalamka oo Amaan ugu qubaysay Ronaldo kadib Shantii Gool Ee uudhaliyay Shalay

0
Sunday September 13, 2015 - 16:59:20 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sport: Saxaafada Caalamka oo Amaan ugu qubaysay Ronaldo kadib Shantii Gool Ee uudhaliyay Shalay

    Saxaafada Caalamka ayaa Amaan ugu qubaysay Ronaldo kadib Shantii Gool Ee uudhaliyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxaafada Caalamka ayaa Amaan ugu qubaysay Ronaldo kadib Shantii Gool Ee uudhaliyay

Kadib markii uu shalay Cristiano shan gool ku xaaqay kooxdii ay Real Madrid laciyaaraysay ee Espanyol ayeey saxaafada caalmak ka hadashay, hadaba waxaan idiin soo uruurinay dhamaan hadaladi ay ka yiraahdeen saxaafada shanti gool ee Ronaldo ee shalay.

Sport:"Cristiano Ronaldo oo ku burburiyay Espanyol shan gool. "xidiga Portuguese ah ayaa ku soo gababagabeeyay abaartii gool la’aanta ee heysatay qaab xarako ah shalay isagoo burburiyay kooxda Espanyol oo joogtay Cornellá”.

Mundo Deportivo:"Nus darsin goolal ah Madrid, shan gool Cristiano”. "Wuxuu sadexleey ku dhaliyay 20 daqiiqo, wuxuu hogaanka gooldhalinta horyaalka ee Real Madrid uu kala wareegay Raúl”.

Gazzetta dello Sport(Italy): "Cristiano oo ugu garaabay shan gool Real Madrid, lix! Cristiano, maxaa dhibaato ah?”. "shan gool ayuu ku xiray albaabadii laga eedeynayay Cristiano wuxuuna noqday ninka taariikhda horyaalka La Liga ugu goolasha badan Real Madrid, wuxuu ka qaatay Raúl”.


L’Equipe(France): "Cristiano wuxuu galay buuga taariikhda”. "shantiisii gool ee Espanyol waxay ka dhigtay inuu qabto rikoorka gooldhalinta Real Madrid ee La Liga, xasuuq ayeey Real Madrid ku geysatay shalay Cornellá”.

Telegraph(UK): "Cristiano wuxuu eedeyntii uga jawaabay sadexley 20 daqiiqo ah, kadibna wuxuu jabiyay rikoorkii gooldhalinta Raúl’s”.

New York Times: (USA): "Cristiano wuxuu ku gumaaday Espanyol shan gool, wuxuuna noqday hogaamiyaha gooldhalinta Madrid”

Récord(Mexico): "Rug cadaagi soo rogaal celi”. Weeraryahaka Portuguese ka ah, Cristiano Ronaldo shalay wuxuu ciyaaray ciyaar lagu qarwo, Espanyol, kooxdiisa 6-0 iyo waxba ayeey kala soo laabatay Estadio Cornella