Hungary oo Ansixisay Sharci lagu xirayo Muhaajiriinta kusoo qulqulaya qaaarada yuurub

0
Tuesday September 15, 2015 - 18:06:42 in by Hargeysa Office
  • Visits: 719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hungary oo Ansixisay Sharci lagu xirayo Muhaajiriinta kusoo qulqulaya qaaarada yuurub

    Dalka Hungary ayaa sharci cusub ka dhaqan galay, kaasi oo booliska u ogolaanaya in ay xiraan isla markaana dacwad ku soo oogaan muhaajiriinta dalka ku soo galaya sida sharci darrada ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Hungary ayaa sharci cusub ka dhaqan galay, kaasi oo booliska u ogolaanaya in ay xiraan isla markaana dacwad ku soo oogaan muhaajiriinta dalka ku soo galaya sida sharci darrada ah.

Booliska ayaa sidoo kale xiray qad tareen oo muhiim ah oo tobonaanka kun ee qof ee muhaajiriinta ahi ay Yurub ka soo gali jireen dhanka Serbia.

Midowga Yurub ayaa u muuqda in uusan weli isku afgaran sida loola dhaqmaya muhaajiriinta.

Wasiirrada Midowga Yurub oo kulan ku lahaa Brussels ayaa ku guul darraystay in ay go'aan mideysan ka gaaraan qorshe muran ka taagnaa oo ku saabsan in dib u dejin loo sameeyo 120,000 oo muhaajiriin ah, ayadoo la raacayo tirada ama qoondada dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub.

Luxembourg iyo Jarmalka waxay sheegeen in aqlabiyadda dalalku ay ku heshiiyeen mabda' ahaan, laakinse faahfaahinta ay tahay in la sugo ilaa iyo kulanka kale ee dhici doona October.

ku xigeenka madaxa guddiga midowga Yuurb Frans Timmermans, ayaa qiray in wada xaajoodku uu aad u adkaa isla markaana loo baahan yahay mowqif mideysan.





Hinda Abdi Sheekh

AfkaShacabka news

Hargeisa office